Dagaal Ethiopia iyo Erytrea ku dhex maray sohdinta ay wadaagaan

Dagaal ay dad badan ku hoobteen ayaa maalmihii Axadi iyo isniinti ku dhex maray sohdinta u dhaxay labadaa dal ee jaarka waxay labada dawladoodba midba geesti ku eedeeyey in u dagaalka isagu bilaabay.

Dawlada Erytreya ayaa ku faantay in ay ciidamo ay ku sheegtay tiradooda 200 oo askari ku laysay dagaalkii dhacay labaddii maalmood ee la soo dhaafay warka ka soo yeedhay dawlad Erytreaya waxay Ethiopia ku sheegtay wax lagu qoslo oon sal iyo raad toona lahayn.Ma jiraan warar madax banaan oo dagaalka ka waramay sidaa la wada og yahay dalalka Ethiopia iyo wuxuu dagaal socday 2 sanno ku dhex maray xuduuda ay wadaagan waxaana dagaalka ku dhintay labada geesba dad lagu qiyaasay 80.000 oo qof.