Reer salal,Sitti.iyo Djibouti waxay eedeen Cali Cumar iyo cabdi

Ummadda reer Salal, Sitti iyo Djibouti waxay eedeen Siyaasiyiin magacdoodu tahay Cabdi,Cali,iyo Cumar oo iyaga ka dhashay.

Hadaan wax yar xasuusteena dib u celino sannadihii 1960-kii ilaa 1977-kii waxaa dalka Djibouti wakiil uga ahaa gumeystihii Fransiiska dabadhilifkii la odhan jiray Cali Caaref Burhaan oo asal ahaan iyo tafiir ahaanba ka soo jeeday dalka Turkiga aadna u necba guud ahaanba ummadda Soomaaliyeed ee u dhulkeega ugu yimid gaar ahaana beesha ciise ee u ku dhex dhashay kuna soo dhex koray tafiir ila tafiir.

Godobihii u ninkaasi ka galay beesha ciise halkan kaaga sheeeyn kari mayno laakiin waxaan uga socdaa uun qormadan oo aan jeclaaday in aan intii karaankayn ah wax yar ka tilmaamo in ay jireen Cali Caaref ka sokoow rag ciise ahaa oo baadadka uu ku duulu iyo lugaha uu ku socdaba u ahaa Cali Caaref iyagga la,aantoodna marna ay u suurta gasheen in u Cali Caarefmudada intaa leeg gumaad iyo dhibaato nuuc walba lahayd dalkooga hooyo ugu gaysto kumanaan iyo kumanaan Soomaali ah oo u xita badiloow magacii Djibouti ee ahaa xeebta Soomaaliyeed oo u badalay dhulkii Canfarta iyo ciise ujeedada u ka lahaana waxayd ahayd in ay Djibouti tahay goob ay leeyihiin qoowmiyadda canfartu dhamaantood haday Djibouti ku nool yihiim ama haday Ethiopia iyo ku Errytraya dagan yihiin.

Inkastoo Hal Hayski iyo maasooyinki laga reebey raggi ciise ee cali Caaref gacan yaraha u ahaa ay aad u badnaayeen maantana ay dhamaantood wada dhinteen ayna haboon tahay in la ixtiraamo qofka dhintay hadana mararka qaarkood waa muhiim in taarrikhda la taabto si ay kawaa nool ay uga foojinaadaan ama ay faraha ugala baxaan wixii raad iyo taarrikh xuma u horseedi mustaqbakooga if iyo aakhiraba.

Sidaan soo sheegnaybaSiyaasinta beesha ciise u dhalatay ee Cali caaref kaba qaadka u ahaa way fara badnaayeen laakiin waxaa si gaar loo xasuusta kuwii ugu tunga waynaa waxayna kala ahaayeen;

 

1.Marxuun Mohamed Jaamac ceelaabe,(aun)

2.Marxuun Cumar Faraax Ciiltire,iyo(aun)

3.Marxuun Cali Aare Khayreh(aun)

Maasooyinkii iyo Hal Hayskii laga reebay waxaa ka mid ahaa;

-Ceelaabe ma,aana ka dhigey ceeb nimaan diidin

-Cumar Faarah ma ,aana ka dhigey Curadkii Ceeboobey,

-Cali Aarre Ma,aana ka dhigey carmal xishoon wayday,

Dabadhilifnimadi cali caaref uu gumaystahii Fransiiska u ahaa dabadhilifka waxaa ka sii liitay kuwa ciise ee isagga dabadhilifka u ahaa maxaa yeelay waxaa uga sharaf iyo karaamo roonayd in ay si toos ah Fransiiska ugu adeegan oo shaqadi cali Caaref France u hayey mid ka sarraysa kana faaido badan soo dhacsadaan ama meesha ka maqnaadaan oo ay halgankii ummadoodo ku jirtay gees ka raacaan.

Si kasta iyo tab iyo xeelad walba way sameeyeen Cali Carref iyo gumaystihii Fransiisku si ay biyo qaboow ugu shubaan kacdoonki iyo halgankii loogo jiray xornima doonka dalka Djibouti marna kuma guulaysan hagardaamooyinka laga soo maleegi magaaladaParis waxaana cali Caaref Burhan lagala hor iman jiray diidmo iyo macaarad xoog badan oo ficil iyo qawlba lahayd waxaana loogu jawaabi jiray qaar ay ka mid ahaayeen geerarkan hoos ku cad;

 

-Inkastood cadaan guursatood cagaha maydh-maydho,

-ama aad Diyaarada kortood daar kaloow u dhoofto,

-nimuu ciise cududaha dul dhigey ciil ka kori waayey,

-cirsankuu Illaah kaa dile Caliyoow soo dhaa-dhaac.

Haddan sawirkii shalay iyo siyaasiga ciise inta ku soo koobno maxaa maanta noo muuqda?

Waxaa noo muuqda in ay beesha ciise tahay maanta marka laga duulo xaalada ay Soomaali ku sugan tahay beesha qudha ee Illaahay ka badbaashay burburka iyo halaaga 25 sanno jirsaday ee ummadda Soomaaliyeed lagu itixaamay.Iyadoo ay sitaas tahay hadana waxaa jira in u ciise yahay reerka ugu liita marka laga hadlo xagga siyaasada oo dhulkoogi iyo degaanadi ay beeshu taarrikhiyan deji jirtay waxay dhamaantood ka baxeen gacanti beesha ciise cida ka saartayna maaha gumeystihii Fransiiska ama Ingriiska ama tii Amxaarka ee waa wiilal yar-yar oo reer Hargeysa ama reer Godey ah oo rag ciisa ah oo jeebka iyo kalyuhu naaxeen shaxaad iyo xayraanimo ugu hoos nool.

Reer Hargeysa waxay ku kaceen maaha mid ka maydhmi doonta siyaasiga Ciise qarniyo fara badan sababto waxay dhulkii ciise ee Soomaaliland maanta waxaa loo kala qaybsaday oo lagu kala daray ila 4 gobol oo kala aha;

Saaxiil,

Maroo-jeex,

Awdal,

iyo Salal,

mana jirto 4-ta gobol hal tuulo ama degmo oo maanta nin ciise siyaasi sheegta si buuxda uga taliyo.

Geesta kale waxaa jirta in Kililka shanaad ee dalka Ethiopia karaama seega ka socti u ka xun yahay kan ay Hargeysa ku talaabsatay Gobolkii Sitti isna waxaa sida Soomaaliland oo kale loo kala qaybshay ila 4 degmo oo ka xun kana dhib badan tan ay Hargeysa ku kacday.

1-Caasimadda qadimiga ahayd ee Gobolka sitti(shiniile)waa magaalada Dire-dhaba iyo tuulooyin hoos yimad Sida Malkaa-jabti iyo Jaldeesa waxaa laga dhigay wax loogu yeedhay maalmul feedaraal ah oo cidba lahayn,

2-Magaalooyin ay ka mid yihiin May,so iyo Midde waxaa si badheedh ah loo siiyey ama loogu diiqay qoowmiyadda Oromada oo waliba duulan ku soo ah wixii ka hadhay gobolka Sitti,

3-Magaaloyinka Gadhmalu,Cundhufa,Cadaytu iyo dhamaan galbeedki gobolka Sitti waxaa si gar iyo mag la,aan ah loogu wareejiyey kililka canfarta oo 100 sanno in ka badan ku taami jirtay in ay ciise Soomaaliya ku celin doonto,

4-Baaqigii soo hadhay Gobolka Sitti lama soo sheegin meel iyo tuulo yar oo ay rag ciise masuul ka yihiin marka waliba lagu daro in magaalada Ayshaca xildhibaanada gohala deganka ay Amxaaro ku jirto(ceebi fara wayn)

Ragga ku xardhan guul darada iyo ceebta usoo hoyatay siyaasiga ciise ee maanta waxay dhamaantood magacdoodu u badan yihiin siddi kuwii shalay xarafka(C).

Haddi kuwi shalay Cali Caaref oo maqaar saar u ahaa ay Fransiiska xaqooga ka soo ridan waayeen bal kuwa maanta jooga iyo magacdooda ila eegga,

Siyaasiga Soomaaliland ee ciise waxay hoos yuuraran gacan yaraha lagu magacaabo Cabdirahman Zaylaci oo siddi Cali Caaref dhul ciise ku dhashay kuna soo dhex koray in ay Zaylic wax moodaan waxaa uga karaamo iyo sharaf wacnayd in ay maamulka Hargeysa ku noqdaan laf dhuun gashay sababto ah miisanka, muhiimadda,iyo taarrikhda ay beesha ciise Hargeysa ku leedahay Boomara kuma lahaa Hargeysa waxana marqaati ma doonka wararka kala haysta Boomara iyo Hargeysa maalin kasta.

Sida si la mid ah siyaasiga beesha ee Kililka Soomaalida Ethiopia waxay si nacasnimo ku dheehan tahay uga amar qaadaan Cabdi Iley kama faaidaysan karan fursadaha beesha ciise uga irmaan dal waynaha Ethiopia waayo beesha wuxuu illaahay ku beeray goob aad u muhiim ah waana goobta qudha ee faaido mooye ay wax dhibaata ah Ethiopia uga iman in lagu abaal marshana ay tahay laakiin aaway raggeegi?

 

1-Cabdi Xakiim Cumar,

2-Cali Cumar,

3-Caraale Mohamed,

4-Cabdi barkhad(AUN),

5-Cali Aarreye,

6-Cabdi Siciid,

7-Ali Geele,

8-Cabdi Casood,

9-Cabdirisaaq waabari,

10-Cabdiraxmaan Sugaal,

11-Cabdi Jibril

12-Iyo duqi CAWAD ee magaaladi u ku dhashay ee saylac uga firxay nin gacan ku rimis ah oo laga keenay tuulada yar Bonn.

 

Bahdilaadda iyo ceebta dul hagoogan siyaasiga ciise ee qarnigan waxay salkeega iyo raadkeegu yaal Baytalwaaliga Djibouti looga taliyo oo Cismaaciil Cumar oo ku dhashay Sitti kana soo jeeda asal ahaan Salal kana arrimiya Djibouti iyo Maxamuud Dirir Geedan oo ahaa masuulkii ugu tunga wayna muddada dheer Kililka iyo siyaasada Soomaalida Ethiopia ayaa masuul ka ah maxaa yeelay haday dhisi lahaayeen tiirar adag ama carbin lahaayeen dhalin sida qayrkood ciyaar siyaasada u taqaan maanta ciise saylac iyo Dire-dhaba marti kuma ahaadeen arrinta ninkii ragi waa ogyahay doqona yeelkii.

 

Siyaasiga ciisoow calooshi la ciyaar ceeb uma dhinte.

 

Bilal-Hadi@hotmail.com