Kooxa isku soo haddhay koobka Qaaradda Yurub
Waxaa la soo afjaray wareega hore ee tartanka koobka Qaramada Yurub ee EURO 2016 kaas oo si xiiso leh uga socda garoomo ku yaala gudaha dalka Faransiiska . Dalal dhowr ah ayaa si dirqi ah ku soo baxay halka qaar kalana boorsooyinkooda ka qaateen dalka Faransiiska .
Tartankaan ayaa markii hore waxaa ka qeyb galayay 24-Dal oo loo kala qeeybiyay 6 Guruub balse iminka ayaa waxaa iskugu soo haray 16-Xul oo qaarkood aad u adag yihiin halka kuwa kale ay ku soo baxeen kaalinta 3-aad ama dhibco yar oo aanan meel fog lagu gaari karin .
Kulanka ugu adag ee xulalka isku dhacay ayaa durbadiiba waxa uu noqday wadamada Talyaaniga iyo Spain oo ka soo kala baxay Guruubyada (D & E) . Xulalkaan ayaa wada ciyaari doona galabta Isniinta . Wadamada Boorsooyinkooda ka qaatay dalka Faransiiska ee ka haray koobka EURO 2016 ayaa waxa ay kala yihiin Sweden , Austria , Turkiga , Austria, Russia , Romania , Ukrain iyo Albania .
Labo maalin oo nasasho ah ka dib Xulalka 16-ka ah ee u soo baxay wareega labaad ee koobka Qaramada Yurub ayaa waxeey fooda is dari doonaan maalmaha Sabtida , Axada iyo Isniinta waxeeyna isku arki doonaan qaabkaan hoose .
Switzerland Vs Poland
Croatia Vs Portugal
Wales Vs North Irland
France Vs Irland
Germany Vs Slovakia
Belguim Vs Hungry
Italia Vs Spain
England Vs Iceland