Maamul Goboleedka soomaaliyeed ee Puntland oo u ka biloowda dagaal sokeeye

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Bari Cabdi Samad Maxamed Galan oo beryahan abaabul dagaal ka waday deegaano ka tirsan Gobolka Bari iyo ciidanka Puntland ayaa saaka ku dagaalamay deegaano ka tirsan duleedka Degmada Carmo.
Labada ciidan ayaa halkaasi ku dagaalamay, islamarkaana waxaa ka dhashay dagaalkaasi Khasaare kala duwan.
Cabdi Samad Maxamed Galan oo la hadlay Idaacada Risaala ee Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in ciidamada Puntland ay ka gubeen gaari uu saran yahay qoriga loo yaqaan Zuuga.
Wuxuu sheegay inay jiraan Askar badan oo ka dhaawacmay ciidamada Puntland, balse aysan xaqiijin karin dhimashada Askartaasi.
„Subaxa saaka ah, waxaa na soo weeraray oo fariisin ka mid ah fariisamadayada nagu soo weeraray ciidan ka amar qaata C/wali Gaas, ciidamadaasi waxa ay nagu soo weerareen gawaari badan oo Tikniko ah wax Khasaare ah nagama uusan soo gaarin dhinacayaga, inta aan ognahay iyagana waxaan ka gubnay gaari uu saaran yahay Qori Suug ah ciidan dhaawac ahna waa uu jiraa dhimashada inta ay tahay ma ogin, waana iska caabin goobihii ay nagu soo weerareen.“ Ayuu yiri Galan.
Ilaa hada Saraakiisha ciidamada Puntland kama aysan hadlin dagaalkaan dhexmaray ciidamada Cabdi Samad Galan iyo ciidanka Puntland.
XeerNews24.com