Maanta iyo aftida laga qaadi dadweyne Ingriiska

 

Waxaa maanta oo Khamiis ah dadka reer Britain ay u dareereen goobaha cod bixinta ee lau qaadayo aftida ah in ay Britain ay kasii mid ahaato Midowga Yurub iyo in ay isaga baxaan Ururkaasi.

Aftida maanta codbixinteeda ka bilaabatay dalka Britain ayaa lagu go’aamin doonaya in dalkaasi kasii mid ahaado Midowga Yurub iyo in kale, waxaana qadiyan ku kala aragti duwan Siyaasiyiinta dalkaasi.

Goobaha codka laga dhiibanayo ayaa waxaa safaf dhaa dheer ugu jira dadka Britain kuwaa oo codkooda dhiibanaya, waxaana afti qaadistan ay bilaabaneysa xili laga soo gudbay olole xoogan oo arintan ku aadaneed.

Aftida laga qaadayo dad reer Britain ayaa waxaa codkooda ka dhiibanaya dad lagu qiyaasay 46,499,537 oo qof , waana dadkii ugu badnaa ee ka qeb qaata cod bixin ama doorasho ka dhacday dalka Britain.
afti_1afti_2afti_3afti_4