Dhibta laga dhaxli Karo dagaal mar kale ka dhex qarxa Ethiopia iyo Erytreya

 

toobiya iyo Eratariya waa laba dal oo jaar ah. Waxa ay ka wada tirsan yihiin mandaqadda Geeska Afrika, ka sakaw waqti waxa ay isku ahaayeen dal kaliya, kadib markii Eratariya ay iska riday gumaysigii Talyaaniga 1952-kii. Waxa muddo 30 sanno oo kale ah sii haysatay Itoobiya, balse aakhirkii afti la qaaday April 1993-kii waxa ka soo baxday in Eratariya dadkeedu u codeeyeen madaxbannaani buuxda.

Ethiopian_soldiers_02

Wixii inta ka dambeeyey waxa ay labadan dal isku noqdeen gaas iyo dab, sababtoo ah kala go’ooda waxa hadheeyey khilaaf ku salaysan xuduudaha labada dal oo aan si fiican u qeexnayn. Inta badan marka gumaystuhu dhul ka tago waxa ka dhacda in xuduudaha ay isku dilaan awoodaha la wareega. Khilaaf xuduudeedkaas labada dal waxa uu sababay dagaal daba dheeraaday oo dhexmaray taariikhdu markay ahayd bishii May ee 1998 ilaa June 2000. Dagaalkani waxa uu sahayday shicib iyo ciidan badan oo ka baxay dhinac walba.

Inkastoo labada dal isku dhac aan aad u weynayn uu dhexmaray sannadkan 2016-ka, gaar ahaan bishii June ee hadda dhammaatay, haddana waxaan dul istaagi doonnaa 12 qodob oo ka dhashay dagaalkii labada dal ee sannadihii 1998 ilaa 2000, kaasoo Maankaab ka soo turjumay warbixin luqadda Ingiriisiga ku qoran oo lagu daabacay mareegta Africaninsider.com.

Waxa ka dhashay isku dhac:

Magaalada Badhame oo ku taal gooblka Tigray, taasoo 800 qof ku nool yihiin, waxa ay ka mid ahayd magaalada dagaalka hoggaanka u haysay ee lagu hoobtay. 6 May 1998 ayaa askarta Eratariya ay ka soo gudbeen xuduudda Gobolka Tigray oo Itoobiya maamusho. Askartan waxa ay isku dhaceen ciidammo boolis Itoobiyaana iyo malleeshiyo Tigrayan ah. Waxa ay halkaas Itoobiya u dirtay ciidammo millateri ah oo tikniko culus ku hubaysan.

13 May 1988 waxa ay bilawday Itoobiya inay ciidammadeeda dagaal u diyaariso, heegan culusna geliso si ay waxyeello u gaadhsiyaan Eratriya, waana halka khilaafka xooggan ka bilaabmay ee dagaalka muddada socday xuddunta u ahayd.

Khasaaraha dagaalka:

ethiopian-military-parade-proud

Dagaal xuduudeedkan waxa ciidanka Eratariya kaga dhintay19,000 (sagaal iyo toban kun), taasina waxa ay noqotay in qaranku jab la kulmo. Ugu yaraan 100,000 (boqol kun) oo shicib iyo askar labada dhinacba ah ayaa dagaalkaas lagu dilay, nafahoodii qaaliga ahaana ku waayey.

Oohintii Taliyaha Millateriga Itoobiya:

General-Tsadkan

Kulan ay saraakiisha millateriga Itoobiya ugu sarreeya yeesheen, ayaa Taliyaha Ciidanka Qaranka Itoobiya (General of Ethiopian Army) General Tsadkan uu oohin qabsaday. Waxa uu sheegay in maskaxdiisu aad ugu adkaysan wayday in dalkiisu ku guuldarraystay dagaalkii Eritariya ay kula jireen iyo waliba hubkii iyo dhimashadii goobtaas ka dhacday. Waxa dagaalkaas lagu burburiyey laba meeloodaw saddex (2/3) taangiyada iyo hubka culus ee Itoobiya lahayd.

Weerarkii Madaarka Asmara:

Ethiopian-fighter-jets

Madaarka Caalamiga ah ee Asmara, ayaa diyaaradaha Itoobiya duqeeyeen, bambooyina sida roobka kaga dhigeen, iyagood moodaysay in ay xeryo millateri duqaynayaan. Waxa ay arrintaas keentay in madaarku burburo, isuna beddelay gego cidla’ ah.

Duuliyihii labada jeer la qabtay:

Duuliye dagaal oo watay diyaarad Itoobiya lahayd oo la odhan jiray MiG-21 ayaa ka mid ah raggii duqaynayey caasimadda Eratariya ee Asmara sannadkii 1998-kii. Duuliyahan oo la yidhaa Col. Bezabeh Petro waxa gacanta lagu dhigay, kadib markii millateriga Eratariya dhulka soo dhigeen diyaaradiisa. Sannadkii 2012-kii Col Bezabeh waxa uu ku jiray xabsiga Eratariya oo maxbuus ahaan baa loo haystay. Sidoo kale, waxa hore loo qabtay 1984-kii, markii ciidammo Eratariya ay dhulka soo dhigeen isla diyaarad MiG-21 ah oo uu watay, balse waxa dib loo sii daayey 1991-kii. Waxa uu ka mid ahaa duuliyayaasha ugu khibradda iyo kartida badnaa millateriga Itoobiya.

Macaluushii ka dhalatay dagaallada:

Markii dagaalku cirka isku shareeray, waxa Itoobiya ku dhuftay abaar ba’an. Dawladda Addis Ababa waxa lagu eedeeyey in lacag badan ay ku qarash garanayso dagaalka, halka dadkeediinna macaluul u dhumanayaan. Ku dhawaad 8.1 milyan Itoobiyaan ah ayaa macaluul soo wajahday. Hay’adda Horumarinta Maraykanka ee USAID (United States Agency for International Development), ayaa dawladda Eratariya ka codsatay in dekedeeda Assab la isticmaalo si cunto gargaar ah loo gaadhsiiyo woqooyiga iyo koonfura Itoobiya oo macaluusha ugu daran ku dhufatay. Sidaasna waxa cunto ku helay dadkaas dhibaataysnaa.

Duuliyayaasha oo yaraaday:

Horraantii dagaalka waxa Itoobiya la soo darisay in ay waydo duuliyayaal ku filan oo weerar ku qaaday Eratariya. Arrintan waxa sabababay kadib markii meesha laga saaray maamulkii Mengistu Haile Mariam ee Derga (Dhergiga ee 1991-kii). Sannadkan waxa Itoobiya oo taageero ka helaysa Eratariya ay xabsiga ku gureen dhammaan saraakiishii iyo bayloodadii xilalka sare ka hayey maamulkaas, taasina waxay keentay in la waayo saraakiil khibrad leh oo millateriga iyo waliba duuliyayaal.

Tarxiilid sharci-darro ah:

Taariikhdu markay ahayd June, 1998, ayaa dawladda Itoobiya ay qaaday olole ay kaga soo horjeedo dadka Itoobiya ku dhaqan ee asal ahaan ka soo jeeda Eratariya. Ugu yaraan 75,000 qof oo dhammaantood haystay dhalasho cad oo Itoobiyaana ayaa lagu qasbay in Eratariya loo mastaafuriyo, gaar ahaan Asmara, halka Eratariya laf ahaanteedu qasab ku tarxiishay 70,000 Itoobiyaan ah.

Xad-gudubyo xuquuqal-insaan:

Itoobiya waxa ay waqtigan bartilmaameedsatay muwaaddiniinteeda Eratariya ka soo jeeda, gaar ahaan ganacsatada iyo siyaasiyiinta. Waxa ay kala noqotay liisannadii ganacsiga, waxay xayirtay akawnada bangigayada, hantida ma guurtada ah oo kummanaan muwaaddiniin Itoobiyaan ah, balse asalkoodu Eratariya ka soo jeeday.

Ubad la qortay askar:

Hay’adaha xuquuqal-insaanka, ayaa labada dal ee Itoobiya iyo Eratariya ku eedeeyey in ay wiilal 18 jir hoos uga yar ka dhigeen askar si ay dagaalka u geliyaan. Itoobiya waxa ay si qasab ah askar uga dhigtay wiilal da’doodu u dhexaysay 15 ilaa 17 jir markii dagaalku socday May 1998kii. Badanka carruurtan waxay ka soo jeedeen qoomiyadaha Oromada iyo Soomaalida. Bishii April 1999 ayaa Itoobiya waxay sii daysay liiska askarta ay ka haysto Erataraya ee xabsiyadeeda ku jira. Intooda badan waxay ahaayeen carruur hoos uga yar 18 jir. Qofka ugu yar wuxuu ahaa 15 jir.

Carqalado dhaqaale:

Dalalkan waxa ay dagaalkaas ku waayeen malaayiin doollar oo dhaqaale ah. Waxa ay meesha ka saartay mashaariic horumarineed iyo caawimooyin la siin jiray, waxaanay keentay dhaqaalaha labada dal burburo. Waxa dagaalkan dib u dhigay maalgashiyo iyo caawimooyin la damacsanaa in saboolnimada waddamadaas wax lagaga qabto. Waxa raacay dhaqaale xumada dadka iyo noolaha labada dal ku nool oo noloshu ku adkaatay.