Magaalada Dallas iyo qululatooyinka isir nacayb ah oo dhiig ku taatay

Boqolaal shicib maraykan madow  ahaa oo ka cadhaysnaa dhibta joogtada noqotay ee ay ciidamada Pooliska cadaanka ahi kula dhaqmaan dadka madow ayaa waxay iskugu soo baxeen muddahaado rabsha watay ka dibna dadkaasi waxay toogasho ku dileen inta ilaa imika laga war qabo ila 5 nin oo ka tirsaana ciidamada nabad sugida Pooliska magaalada Dallas.

Wararku waxay inta ku darayaan in geesta kaleena ay poolisku ugu yaraan ku dileen muddahaaradka isir nacaybka ah hal qof oo lagu soo eedeeyey in ku lug laaha ama lagu haystu in u ka mid ahaa dad lagu sheegey in ay hubaysnaayeen oo ay Pooliska tacshiirad ku fureen.