Cabdallah Xaaji oo miisaanka dul saaray maamulka Hargeysa (qaybti 1aad)


XeerNews, Sunday, July 10, 2016 09:29:55
Haddaba dooddaas oo qoraal ah baan halkan ku soo gudbin si aynnu u wada ogaanno aragtidii ay Dr. Bulxan iyo Pr. Samatar ka kala qabeen gooni isu-taagga

 

Bishii Mey ee sannadkii 2006dii oo ku beegnayd sannad-guuradii 16aad ee ka soo wareegtay markii Somaliland la soo noqotay madaxbannaanideeda, ayey laanta Afsoomaaliga ee idaacadda BBC du waxay qabatay dood ku saabsan Somaliland. Dooddaas oo lagu falanqeeyey gooni isu-taagga S/L, cinwaankeedu wuxu ahaa: 15 sano oo aqoonsi la’aan ah kadib !. Dooddu waxay dhex martay labada aqoonyahan ee kala ah Dr. Xuseen Cabdillaahi Bulxan oo Hargeysa joogay iyo Pr. Axmed I. Samatar oo Maraykanka joogay. Inkastoo doodda dad kale soo galeen haddana doodda xooggeeda iyo xiisaheedu waxay dhex martay labada aqoonyahan ee aan kor ku xusay.

Haddaba dooddaas oo qoraal ah baan halkan ku soo gudbin si aynnu u wada ogaanno

aragtidii ay Dr. Bulxan iyo Pr. Samatar ka kala qabeen gooni isu-taagga Jamhuuriyadda Somaliland toban sano ka hor.

Doodda waxa qaybinaya Mudane Yuusuf Garaad oo xilligaa ahaa madaxa laanta Afsoomaaliga ee idaacadda BBCda. Waydiintii koowaad waxa uu ku bilaabay sidan:

Yuusuf Garaad: Sideed u aragtaa maalinta 18 May ee gooni u goosadka Somaliland 15 sano oo aqoonsi la’aan ah ka dib?

Dr Xuseen Bulxan: Maalinta 18 May  dadka Somaliland saddex siyood ayay muhiim ugu tahay;

1. Waa Maalintii 15 sano ka hor 1991kiiay Reer Somaliland la soo noqdeen xorriyaddii ay si fudud u wareejiyeen 1960kii.

2. Tan labaad waa maalinta  reer Somaliland ay ku xusuustaan in xorriyaddu ay si dhib yar gacmahooda uga siibatay, oo markaana lagu soo ceshaday silic iyo khasaaro badan.

3. Waa maalin ay Reer Somaliland ku muujiyaan in ay qaran yihiin, oo dal, dad, dawlad iyo dani ka dhexayso, waa maalinta keliya ee lagu illaawo afkaarta kala duwan iyo loollanka siyaasadeed ee dhex yaalla dal dimuqraadiya.

Prof Samatar: Waxaan qabaa maalintaasu inay tahay maalin dhanna laga yaabo inay tahay mid wanaagsan oo dadkii degmadaa ku noolaa u dabbaal degaan in ay noloshoodii dib u soo dhiseen, oo burburkii Soomaalidu ay gashay ay ka soo baxeen oo ay wax samaysteen, in taa fagaaro loogu soo baxo oo loo sacbiyo oo lays gaadhsiyo waxay ila tahay waa arrin aad iyo aad loogu riyaaqi karo. Waxaa taa la socota naxdin weyn oo naxdintaa weyni ay tahay in ay guushaasi ku timaaddo ummaddii Soomaalida oo la kala googooyo oo la kala saaro oo markaa laga dhigo ugu yaraan labo waddan oo aan shaqo isku lahayn, halkaa khasaaro weyn ayaa ku jira ayay aniga ila tahay.

Waxaan kaloo intaa raacinayaa oo aan anigu Xuseen ku diiddanahay, markii lagu dhawaaqay in gooni loo baxo ma ay ahayn arrin ummadda  ku nool degmadaa Waqooyigu ay u wada dhan tahay ee waxay ahayd arrin ay in gooni ahi goosatay, oo xoog iyo qasab uu jiray markii Burco laysugu tegay. Markaa ma aaminsani anigu in ay tahay arrin ummadda degmadaa ku nooli ay ka wada tashadeen. Waxaana taa u daliila in illaa maanta in la isku hayo arrintaa oo gobollo ka mida waqooyigu ay weli diiddan yihiin in ay ka mid noqdaan hadalkaa baxay ee ah in gooni loo baxo.

Dr Bulxan: Khalad baa ku jira marka la yidhaahdo waa la kala go’ay, kama hadlayno siyaasade waa laba dal oo xor ahaa oo isu yimi oo ikhtiyaarkooda isugu yimid. Markaa, marka hore sheekadan haatan meesha la soo geliyey laba dal oo kala go’ay meesha kuma jiraan, waa laba dal oo markii horeba isu yimid imminkana ikhtiyaarkooda u kala bixi kara.

Marka labaad  kala go’u muu bilaabmin May18dii. Soomaliland iyadu ikhtiyaarkeeda ayey ugu timid Soomaaliya oo Soomaalinimo iyo kalgacayl bay ugu timid, laakiin wixii ka dambeeyey xaqdarraa meeshii timid. Markii horeba aftidii loo qaaday midnimada dadka badankoodu oo markaa lagu qiyaasayey 650.000 ka may qayb gelin, 100.000 baa codeeyey, marka la isku darana  50 kun oo keliya ayaa Muqdisho u codeeyey. Intii ka dambaysayna waxaa meesha ka dhacay dagaal, burbur iyo xadgudub xuquuqul-insaanka ah ayaa ka dhacday .

Go’aankii May 18keediina waa loo wada dhammaa oo gobollada waa loo wada joogay, cuqaal baa joogtay, salaadiin baa joogtay, aqoonyahan baa joogay, markaa in been laga sheego maaha. Taariikhda Somaliland cadaadis waxba kuma dhismine wada hadal iyo wada tashi bay ku dhismeen ninkii isagu been ka sheegaaya waa meeshiisa.

Prof Samatar: Waxaan ahaa ninkii Soomaaliyeede ugu horreeyey ee ka qora buug ilaa 400 oo bog ah oo ummadda Soomaalidu halka ay joogto sidii ay dagaalladu u soo dhaceen iyo gobonnimadu halka ay ka timid, sida loo soo abuuray, waxaan ahaa qofkii ugu horreeyey oo Soomaali ah oo buug caykaasa ka qora.

Marka waxaygu maaha wax sheeko-ku-keen ahe waa wax ku fadhiya aniga oo darsay ammuurta. Xuseen dooddiisu dhawr meelood bay dalbo ka leedahay ta ugu horreysa waxa weeye, dadka Soomaalida markay isku yimaaddeen, way jirtaa in la isku yimid oo la isla gartay arrintaa oo ummadda waqooyiga ku nool iyo ummadda koonfurta ku nool labaduba iyaga oo jibbaysan ay israaceen oo ay ku tashadeen in ay waddan qudha noqdaan, weliba intaa ay raaciyeen saddexda kale ee maqanna in la soo celiyo oo iyagana lagu soo daro. Calanka Soomaalida ee Xiddigta shanta gees leh ee dhexda kaga taalna waxay tusaysaa oy markhaati ka tahay in arrinta ah in Soomaali-weyn la abuuro in lagu heshiiyey. Jibbada xooggeeduna waxay ka timid ummaddii Soomaaliyeed ee waqooyiga ku noolayd, wax lagu kallifay may ahayn, waxay dadka waqooyigu jeclaadeen bay ahayd. Anigu ma aamminsani illaa maalinkan maanta ummadda Soomaalida ee waqooyiga ku nooli iyaga oo dhan arrintaa in ay amba ka doodday amba ka tashatay.

Ta labaad waxa weeye qofna ma diidi karo oo taariikhdu way dhigaysaa ummadda Soomaaliyeed dhibaatooyin farabadani in ay soo mareen, khaasatan dawladdii Maxamed Siyaad Barre tobankii sano ee u dambeeyayna cadaadis xun in ay keentay layskuma hayo taa. Laakiin arrintaasu tu Waqooyiga uun u gooniya may ahayne dad badan iyo degmooyin badan oo waddanka Soomaalida ayay dhibaatooyinkaasi wada gaadheen.

Anigu dhawr goor oo hore waan sheegay waanan ka qoray inay jiraan guulo badan oo laga qabsaday gobolkaa waqooyiga oo dadka degmadaa ku nooli ay guul badan keeneen. Laakiin godob baa taalla godobtuna waxaa weeye, ummaddaa Soomaaliyeed ee wakhtiga adagi uu soo maray, wakhtiga adagina weli uu haysto in immika haddana loogu baaqo in la kala googooyo oo la fogeeyo, kii kula dhashay in lagaa fogeeyo, aniga waxay arrintaasi ila tahay godob weyn loomana baahna. Gobolkana waa la dhisi karaa iyada oon loo baaqin calan gooniya iyo mag gooniya????????? in la iska dhigo.

Yuusuf Garaad:  Horumarka iyo tallaabsashadu ma wuxuu ku xiran yahay in gooni la isku taago?

Dr Bulxan: Horta Soomaali, Soomaaliya iyo Soomaaliland oo  keliya kama koobna, Jabuuti, Itoobiya iyo NFD Soomaaloo  dhammi way joogtaa. Marka Somaliland ay la noqoto xorriyaddeeda kama dhigna cadaawad ay u hayso dadka Soomaaliyeed. Waxa weeye danaheedii iyo xorriyaddeedii ayey u aragtay sidan inay ugu badinayso. Dadka Soomaaliyeed ee meel kale joogana way u ducaynaysaa. Ciddii na hambalyaysana waan soo dhaweynaynaa cidda naga hagratana waannu ka maarmi.

Prof. Samatar: Xuseen wuxuu iska dhigayaa gobolkaa waqooyiga sidii wuxuu isagu leeyahay buu ka dhigayaa. Waa in dadkaa degmada u dhashay qof walba waddanka ha joogo ama dibaddiisa ha joogee inuu hadalkiisa yeesho waa lagama maarmaan. Saddex sano muddo laga joogo waan tagay dalka, waan ka hadlay adduunyadana waan gaadhsiiyey degmadaasi mucaawino xooga in ay u baahan tahay, in dhaqaalaha wax laga siiyo, iskuullada wax laga siiyo, biyaha wax laga siiyo oo waddooyinka wax laga siiyo. Laakiin anigu waxaan qabaa arrintaa Soomaalida  kala furfurkeedu waa talo gaaban, waa maan gaaban loomana baahna. Gobolka barwaaqadiisa iyo noloshiisuna kuma xidhna waddanka oo la kala googooyo. Waliba khaasatan iyadoo waddanka gudihiisa gobolkaa waqooyiga doodo xooglihi ay ka socdaan, oo sidii horeba aan u sheegay waxaa jira degmooyin ka mida gobolka oo khaasatan xagga bariga ah oo iyagu ilaa maanta aan oggolayn arrintaasi siday u dhalatay.

Markaa aniga waxay ila tahay waxa lagama maarmaana dadka madaxda u ah waddanku in ay siyaasadda dejiyaan, oo ummaddu ay si wanaagsan uga dooddo.

Dadkaa Koonfurta ku nool maanta dhibaatada haysata ee aadka u foosha xunna waa in loo dulqaataa, waayo barrito waxaa laga yaabaa in ay Waqooyiga ku soo noqoto dhibaatadaasi, walaalkaa intuu baahan yahay oo baaba’san yahay waa inaad u dulqaadataa ood sugtaa inta uu ka toosayo, adigoo weliba dantaadiina wata.

Qaybta labaadna dhawaan la soco haddii Eebbe idmo)

Cabdalla Xaaji Cismaan:

xaaji abdalla <cabdalla_xaaj@yahoo