Dawlada Ruushka oo qiraday in Diyaarad dagaal lagaga soo Riday Dalka Suuiya

 

Dire-dhaba(XeerNews)Wasaarada Gaashaandhiga Ruushka ayaa xaqiijisay in labo kamid ah duuliyayaasheeda ay ku dhinteen diyaarad helikobter ah oo Jimcihii lasoo dhaafay lagu soo riday wadanka Siiriya.

Ruushka-Helikobter-lasooriday-740x413

Diyaaradan oo nooca qumaatiga u kaca ayaa ka qeyb qaadaneysay dagaalo ka dhacayey nawaaxiga magaalada Palmayra ee bartamaha wadanka Siiriya.

Kooxda Daacish ayaa sheegatay inay sidoo riday diyaaradaasi oo kamid ah kuwa dagaalka ee dhanka cirka ka taageerayey ciidamada Dowlada Siiriya oo wada duulaan ay doonayaan inay dhul baaxadleh kala wareegaan kooxdaasi Daacish oo gacanta ku heysa qeybo kamid ah bariga Siiriya.

Ciidamada Bashar Al Assad oo gacan ka helaya kuwa Ruushka ayaa wada dhaq dhaqaaq ay ku doonayaan inay kooxda ISIS uga saaraan xaruntooda ugu weyn ee Siiriya ee magaalada Raqqa.