Mucaaradka Djibouti ku gacansaydhay eedeyn ee Dawladu usoo jeedisay

Djibouti(XeerNews24)

Mucaaradka dawladda Jabuuti ayaa ugu baaqay xukumada Jabuuti in ay dhexdhaxaad ka ahaato khilaafka u dhexeeya dawladaha Itooboiya iyo Eretreiya, isla markaana ay wixi xasarada ah lagu xaliyo si nabad ah.

Mucaaradka dawladda Jabuuti ayaa ugu baaqay xukumada Jabuuti in ay dhexdhaxaad ka ahaato khilaafka u dhexeeya dawladaha Itooboiya iyo Eretreiya, isla markaana ay wixi xasarada ah lagu xaliyo si nabad ah.Hadalka mucaaradka ayaa ka dambeeyey iska horimaadyadii dhowaan kasoo cusboonaaday xadka labada waddnaka ee Eritriya iyo Itoobiya.

Wariyaha VOA ee dalka Jabuuti Ramadaan Muuse ayaa mowqifka mucaaradka ka waraystay Cumar Cilmi Kheyre oo ka mida madaxda mucaaridka USN.

Mucaaradka Jabuuti Oo Xukuumada Ugu Baaqay Inay Dhexdhexaad Ka Noqota Arimaha Wadamada Geeska

Mucaaradka dawladda Jabuuti ayaa ugu baaqay xukumada Jabuuti in ay dhexdhaxaad ka ahaato khilaafka u dhexeeya dawladaha Itooboiya iyo Eretreiya, isla markaana ay wixi xasarada ah lagu xaliyo si nabad ah.

Hadalka mucaaradka ayaa ka dambeeyey iska horimaadyadii dhowaan kasoo cusboonaaday xadka labada waddnaka ee Eritriya iyo Itoobiya.

Wariyaha VOA ee dalka Jabuuti Ramadaan Muuse ayaa mowqifka mucaaradka ka waraystay Cumar Cilmi Kheyre oo ka mida madaxda mucaaridka USN.

Dhanka kalana, dawladda Jabuuti aya walaac ka muujisey warar iskugu jirra’a maqal iyo muqaal oo la sheegay in mucaaridku ay ku daabaceen baraha bulshada oo ay kaga hadleen xaaladda xiriirka Jabauuti iyo Eritriya iyo tan u dhaxaysa Itoobiya iyo Eritrea.

Lataliyaha Rai’sal wasaaraha Jabuuti Mustafe Cilmi Xasan oo ka hadlay hadalka ka soo yeedhay mucaaradka Jabuuti ayaa yidhi “ waxaa layaab nagu noqotay ummadana layaab ku noqotay goorta ay Jabuuti iyo Eretariya ay walaaloobeen”

Waxaanu intaasi siiraaciyay in mucaaradka looga baahanyahay inay ummada usheegaan goorta ay Jabuuti iyo Ereteriya ay walaaloobeen.

Sidoo kale waxa uu sheegay latalyaha raysal wasaaraha Jabuuti in dagaalkii dhexmaray Jabuuti iyo Eratariya ay ciidamo kaga dhinteen ciyaalana ku ogoomoobeen.

Dhinaca kale waxa uu sheegay in aanay ogolaan doonin in dawladaha ay jabuuti saaxiibka latahayee Jaarka aan Jabuuti dhexdeeda laga cambaareeyo.

Ugu dambayntiina waxa uu sheegay masuulkani in dawlada Erateriya inay dhibaato ku hayso ilaa imika dadka reer miiga ah ee ku nool xadka labada dal udhaxeeya markay xaga Eratariya utalaaba xiliga roobku ka da’o .

 

Halkan Guji OO Dhagayso Hadalka Xukuumad Jabuuti