Cabdallah Xaaji oo miisaanka dul saaray maamulka Hargeysa(qaybti2aad)


Haddaba dooddaas oo qoraal ah baan halkan ku soo gudbin si aynnu u wada ogaanno aragtidii ay Dr. Bulxan iyo Pr. Samatar ka kala qabeen gooni isu-taagga

Bishii Mey ee sannadkii 2006dii oo ku beegnayd sannad-guuradii 16aad ee ka soo wareegtay markii Somaliland la soo noqotay madaxbannaanideeda, ayey laanta Afsoomaaliga ee idaacadda BBC du waxay qabatay dood ku saabsan Somaliland. Dooddaas oo lagu falanqeeyey gooni isu-taagga S/L, cinwaankeedu wuxu ahaa: 15 sano oo aqoonsi la’aan ah kadib !. Dooddu waxay dhex martay labada aqoonyahan ee kala ah Dr. Xuseen Cabdillaahi Bulxan oo Hargeysa joogay iyo Pr. Axmed I. Samatar oo Maraykanka joogay. Inkastoo doodda dad kale soo galeen haddana doodda xooggeeda iyo xiisaheedu waxay dhex martay labada aqoonyahan ee aan kor ku xusay.

Haddaba dooddaas oo qoraal ah baan halkan ku soo gudbin si aynnu u wada ogaanno
aragtidii ay Dr. Bulxan iyo Pr. Samatar ka kala qabeen gooni isu-taagga Jamhuuriyadda Somaliland toban sano ka hor.

Waana qaybtii labaad uguna dambaysay.

Yuusuf Garaad:Haddii Somaliland ay go’do ooy gooni isu taagto Soomaalida kale ka sokow iyada Somaliland ah maxaa ka lumaya ama ka hallaabaya?

Prof. Samatar: dhawr ammuurood ayaa iman kara, 1. Barrito arrintaa marka calankaa goonidaa loo taago ee adduunyadu ay tidhaahdo waannu aqoonsannahay ee gooni loo baxo, waxa iman karta iyada oo gudaha dadka ku nool ee Somaliland ku nool ilaa Saylac ilaa Laascaanood ilaa Ceerigaabo degmadaa dadka ku nooli gudahoodu inay sii furfurmaanoo iyagu yidhaahdaan waan sii kala baxbaxaynaa way dhici kartaa. Maanta waxaa taagan dad badan oo ku nool gobolkaa Barigu in ay arrintaa diiddan yihiin.

2. Midda labaad waxa weeye, iyada oo loo noqdo waddan yar oo qaran beeleed ah (clan state ) oo ay wadwadtaan dawladaha aynu dariska nahay ee xoogga waaweyni.

DR Bulxan: Kala furfurasho ma arko, arrimaha jirana wadahadalkoodii baa socda, dagaal iyo sii kala go’idna ma jiraan Somaliland. Laakiin mushkiladda meesha taal waxa weeyey, marka dadkii waxan doortay aan wax la weydiin.

Yuusuf Garaad: Faa’iidada ugu weyn ee Somaliland ay ka gaarayso gooni-isu-taagga maxay tahay?

Dr Bulxan:  Tan u horreysa nabad bay haysataa, nabaddaasi wax loo dhigi karaa baan jirin.

Tan labaad doorashooyin badan baa meesha ka dhacay oo qiimo badan u leh oo qaaradda oo dhan qiimo u leh. Waxayna tahay arrintaasi mid mudan in laysugu hambalyeeyo. Soomaalina waxay u baahan tahay in la kala bogsado.

Prof. Samatar: Anigu waxaan qabaa khasaare badan ayey taasi leedahay in goonidaa loo baxo. Berrito kan kugu xigaa hadduu bannaanka u baxo ma joojin kartid, waayo? Adigaa u bilaabay oo kaga horreeyey. Dhibaatada haysata dadka Soomaaliyeed ee Koonfurta deggan oo aad u foolxun dadkiina ay jabeen uma baahna Ilaahayna innama badin in aynu iyagana ku orinno waqooyiguna dibadda inta u baxo sacab tunto. Aniga waxay ila tahay xeego, xeego ha noqto ilkuhuna wey nabad gelayaan.

Yuuyuf Garaad: 15 sano ayaa ka soo wareegtay markii gooni isu taagga lagu dhawaaqay welina aqoonsi lama hayo, maxay kula tahay in ay aqoonsiga Somaliland hortaagan yihiin?

Dr Bulxan: Marka hore aqoonsiga tan ugu muhiimsan waxa weeye dadku in ay is aqoonsadaan, dadku markay is aqoonsadaan baa wixii kale loogu dari karaa, Somaliland iyadu wey is-aqoonsatay doorashooyin bay doorteen waa in lagaga daydo, adduunyadana marka aad tidhaahdo anigu xorriyadaydii ayaan dib u soo qaatey, waxaad og tahay inay hawl yar ahayn oo ay sharciyo fara badan jiraan, tan ugu wayn ee aan anigu qabo waxa weeye in aad adigu iscitiraafto, tan labaad, dadka walaalahaa iney ku ictiraafaan, walaalaha waxaan ula jeedaa dadka soomaaliyeed ayaan sheegayaa ma’aha dawlad uun oo keliya. Anigu waxaan qabaa dadku waxay isku qalbi furnaan karaan, marka Soomaalidu ay tidhaahdo xorriyaddani ma aha wax meel ay cidi ku haysato waynu wada leenahay adigu haddaad dan mooddey waa yahay walaal, sidaas ayey kuugu soconeysaa khilaaf iyo dagaal ma jiro ay wax imanayaan, laakiin marka lays qabto oo lays xidhxidho ee la yidhaa maya’e sidaney wax ku baaba’ayaan, war baaba’a Soomaali soo gaadhey wax ka daran oo Soomaali soo mari karaa ma jiro. Reer Somaliland uma sacab tumayaan dhibaatada Soomaaliya ku dhacday walaalahood, waana ogyihiin qaxooti iyo dhibaatana way soo mareen, markaa yaan laga dhigin reer Somaliland hadday iyaku yidhaahdeen gaar baannu isu taagnay oo waxbaannu dhisanaynaa, Soomaali ayaan anagu neceb nahay maaha.

Prof. Samatar: Waxay horta ku xidhan tahay marka hore xagga gudaha ahaan in si dhab ah oo runi ay ku jirto looga doodo. Waxaanan aaminsanahay anigu arrintaa dadka ku nool waqooyiga gudihiisa inaanay arrintaas si dhab ah oo cad oo buuxda arrintaa dooddeeda loo galin. Anigu ma’aamin sani in waqti buuxa la siiyey dadka ku nool gobolkaa waqooyiga, Laascaanood ilaa Ceerigaabo ilaa Saylac inay si buuxda ay arrintaa uga doodaan, xil kasnimo-darro weynna taasey ku jirtaa. Khasaaraha weynee kalee hor jooga weeye  wax la yaraysan karana ma aha.

Dadka adduunyada kale ku nool waxaa laga fikirayaa sidii laysugu keeni lahaa dad badan oo darisa inay wax wada noqdaan. Yurub gudaheeda dagaallada adduunyada ugu waaweyn ayaa  ka dhacay  qarnigii aan soo dhaafnay ee labaatanaad, haddana Yurub waa taa maanta isu soo ururaysa oo dad afkoodu uu kala gooni yahay, diintoodu ay kala gooni tahay, jidhkoodu uu kala gooni yahay, ayaa isku imanaya waxayna ogaadeen dani inay ugu jirto dhaqaalahooda iyo noloshooda inay saas isugu soo ururaan, laakiin xaafaddii halka malyuun ahayd hala kala gooyo ee isku diinta ahayd ee isku dadka ahayd ee isku afka ahayd ee isku jidhka ahayd,   anigu waxaan qabaa inuu ra’yigaasi inuu yahay mid aad u gaaban.

Ismalaha calan gobolkaa laga taago oo gooni u baxa iyo degmada oo la dhiso oo la hagaajiyo oo inta ay qabsatay wax loogu daro labadaasu isma laha iskumana xidhna. Adiga oo oggol dad Soomaali ah oo diintoodu iyo dadnimadoodu, afkoodu iyo noloshoodu ay isku xidhan tahay, adiga oo taa oggol ayaad haddana gobolkaagii dhisan kartaa ood ka dhigi kartaa halka ugu qurux badan maanta aad ka dhigi kartaa.

Dadka degmadaa Waqooyigu wax badan bay qabsadeen hubkii bay iska dhigeen, way tashadeen, nabadgelyey samaysteen, dimoqraadinimo ay ku dhaqmaan bay samaysteen, iskuulladii, baayacmushtarigii iyo wixii noloshooda soo dhisayey bay bilaabeen aad iyo aad ayaan anigu taa ugu jeclahay. Laakiin waxaan aaminsanahay taasi inaaney u noqon fasax ama laysan lagu doono waddan gooni u baxa oo calan gooniya samaysta oo Soomaalidii kale markaa dibadda uga baxa. Iima muuqato labadaasi inay isku xidhan yihiin; adigoo gobolkaagii dhisanaya ayaad haddana ummaddaasi wax u qaban kartaa, kuwa isku dilaya Muqdisha ee foosha xunna oo walaalahaaya wixii aad kala qaban kartana kala qaban kartaa waayo barrito waxaa laga yaabaa tan iyaga haysata inay barrito adiga ku qabsato. Marka, Markaa ma qabo in dhismaha waqooyigu uu ku yimaaddo ummadda inteeda kale oo baaba’da iyo waddankii oo sidaa u kala furfurma, waayo? barrito adigay kugu soo noqonaysaa dadka degmooyinka waqooyiga ku nool qaarkood inay yidhaahdaan annakuna gooni baan u baxaynaa. Yaa horjoogsan kara markaa?

Dr. Bulxan: Anigu waxaan qabaa Soomaaliland wax weyn oo wax tara ayey ugeysan kartaa Soomaaliya dhibaatada haysata haddii dadka Soomaaliyeed ay ictiraafaan in Somaliland ay dawlad tahay oo gooni isutaaggeeda iyo xorriyaddeeda la ictiraafo, taasaa labada dhinacba dantu ugu jirtaa, waayo? Ictiraafku marka hore waa inuu dadka Soomaaliyeed iyo gudaha ka yimaaddaa wixii kale oo markaa laguugu dari karo waa halkeeda. Haddii taa la helo gogol dhig wanaagsan bay qaaradda u noqon lahayd. Mustaqbal iyo iskaashiga goboleedna markaa baa laga hadli karaa.

Waxyaabo farabadan oo dhibaatooyin ah baa dhacay oo u baahan in muddo laga bogsado, markaa sidii hore aan iska ahaanno haatan ma soconayso.

Waxaanse qabaa in Soomaali wadahadasho oo waxa jira iyo mustaqbalka laga wadahadlo iyadoon lays qasbayn.

Haddaba dooddaas aynu soo akhrinay toban sano ka hor baa la qabtay sidaan kor ku soo sheegay, intii berigaa dhegeysatay iyo kuwa maanta akhriyeyba waxa ila habboon inaan isweydiinno maxaa iska beddelay aragtidii berigaa labada aqoonyahan ay ka kala qabeen qaddiyadda Somaliland? (Waa si aynu u xisaabtanno).Waa marka koowaade aragtidii Dr. Bulxan waxba iskama beddelin intaan ogahay, waxase isbeddeshay aragtidii Pro. Samatar ka qabey qaddiyadda Somaliland fagaarayaal badanna uu ka caddeeyey isagoo weliba sababeeyey. Anigoo ka mida dadka aad ugu hanweyn Pro. Samatar ee dhageysta waxna ka bartay markuu jeedinayo casharrada cilmiyeysan ee aqoonta la xidhiidha, waxaan isweydiiyey maxaa beddelay aragtidiisa? Waxa ii soo baxday in Profosoorka ay martay hawo siyaasadeed iyo inuu hunguri ka qabo inuu madaxweyne noqdo. Siyaasaddana waxa uu ka bilaabay xisbiga Hiilqaran oo isaga iyo aqoonyahanno kale oo qurbajoog u badan ay asaaseen 2006 kadib. Sannadkii 2012kii, ayaa xisbiga Hiilqaran u soo sharraxay inuu uga qayb galo tartankii loo galay cidda noqonaysa madaxweynaha Soomaaliya. Mudanayaashii baarlamaanka Soomaaliya ee u codeeyey murashaxiintii isku soo taagay hoggaanka Soomaaliya, Pro. Samatar waxa uu ka helay toban cod in ka yar oo keliya, mudanayaashaas oo tiradoodu dhammayd 275. Halkaa Pro.Samatar waxa uu kala kulmay wajigabax iyo fashil siyaasadeed oo aad u weyn. Maalintaa dabadeed xisbigii Hiilqaran iyo mabda’ii Soomaali-weyn ee uu weligiiba aaminsanaa labadiiba dhulka ayuu dhigay, wuxuuna u soo jeestay xaggan iyo Somaliland isagoo markaa beddelay fikirkii uu ka qabay qaddiyadda S/L, dhawaanna waxa uu ku biiray mid ka mida xisbiyada qaran ee Somaliland. Inuu u soo noqdo qaddiyadda Somaliland oo uu runta ka sheego way saxan tahay laakiin inuu mar labaad siyaasadda daf soo yidhaa uma habboonayn.

Waddamada reer Galbeedka ee horowmaray ee Profasoorku muddo badan ku noolaa waxna ku bartay, hadduu nin ku fashilmo siyaasadda sidaa Pro. Samatar oo kale uu ka baxaa fagaarayaasha siyaasadda dibna uma soo hungureeyo. Weli lama arag nin ku hungoobay tartanka madaxnimada Maraykanka oo mar labaad isa soo taaga. Waxaan xasuustaa ra’iisalwasaarihii hore ee dalka Faransiiska M. Leonel Jospin isla markaana ahaa guddoomiyihii xisbiga Hantiwadaaggu, markuu ku fashilmay tartankii loo galay hoggaanka Faransiiska ee la qabtay 2002dii, ee uu kaalinta saddexaad galay isla maalintiiba uu iscasilay siyaasaddana uu ka fadhiistay,sidaa  oo kale baa u wanaagsan Pro. Samatar inuu yeelo oo uu ka fadhiisto siyaasadda kol haddii fashil xooglihi ka soo gaadhay.

Udambayn: Pro. Samatar waa nin aqoon badan leh, wuxuu PHD ku qaatay cilmiga siyaasadda iyo dhaqaalaha caalamiga iyo falsafadda bulshada. ( International Politics and Economy and Social Philosophy), waa Waaya-arag aftahan ah oo Ilaahay balaaqad siiyey, waxaan kula talin lahaa inuu iska dhaafo siyaasadda oo uu aqoontiisa iyo waaya-argnimadiisa uga faa’iideeyo ummaadda uu ka dhashay gaar ahaan ardayda dhigata jaamicadaha ku kala yaalla Hargeysa, Boorama, Burco, Jabuuti, Garoowe iyo Xamar ee aadka ugu ooman aqoonta casriga ah ee uu xambaarsan yahay.

Cabdalla Xaaji Cismaan

Cabdalla_xaaj@yahoo.fr