Dhulkii ninkii lahaa Gaajo iyo haraad u dhiman Ragana u soo sahay doontay kuna heshin la,yahay

Saylac(XeerNews) – Masuuliyiinta Gobolka Salal ee Somaliland ayaa maalmihii u dambeeyay loogu garnaqayay Wasaaradda Arimaha Gudaha Dhexdeeda kadib markii uu Muran Xooglihi ka dhex qarxay,waxa ay Dacwadani si gaar ah uga dhexeeysaa Maayarka Golaha Deegaanka Degmada Saylac Xuseen Iidleh Barkhadleh Iyo Maamulaha Kastamka Cashuuraha Saylac Faysal Dheere.
Sida ay  xaqiijiyeen qaar ka mid ah Munayaaasha Golaha Deegaanka Degmada Saylac,waxa uu salka ku hayaa murankani ka dhex aloosmay Maayarka Degmada Saylac Xuseen Iidleh iyo Maamulah Kastamka Cashuuraha Saylac arimo la xidhiidha Cashuurta Xaqal Xashiiska ah ee Dawlada Hoose uga soo xerooda Kastamyada Cashuuraha oo sida la sheegay uu maamulaha Kastamka Saylac ka joojiyay inay wax cashuur ah oo xaqul Xashiis ah ka urursadaan Kastamka Jeekinka ah ee Caasho Cado oo lagu baadho Alaabada lagu soo Cashuuro Kastamka Weyn ee Cashuuraha ee kuyaala Magaaladda Saylac,waxaanay arintaasi dacwadeedu u soo gudubtay Wasaaradda Arimaha Gudaha oo markii dambe labadaasi masuul loogu gar qaaday islamarkaana ay si toos ah arintaasi uga wada hadleen Wasiirka Arimaha Gudaha Cali Maxamed Warancade oo ay hoos yimaadaan Goleyaasha Deegaanku iyo Wasiiradda Maaliyadda Marwo Samsan Cabdi Aadan u socotay Dhinaca Kastamka Cashuuraha.
Sida Warkani nagu soo gaadhay,Wasiir Warancade iyo Marwo Samsam waxa ay Markii ay dhagaysteen labadaasi masuul dacwadood ay u saareen Gudi ka soo go’aan gaadha,Gudidaasi oo ay ku jireen Wasiiro,waxa ay si gooni gooni ah iyo si wada jir ahba labadii cisho ee u dambeeyay ay ula kulmayeen ladaasi masuul ee dacwadu ka dhexayso ee maamulaha kastamka Cashuuraha Saylac iyo maayarka Golaha Deegaanka Degmada Saylac iyo Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Deegaanka Saylac oo iyaguna Hargeyska ku sugan,waxa ay aakhirkii sida la sheegay go’aan ka soo saareen arintaasi,waxa ay sida la sheegay Qaladkii Saareen Golaha Deegaanka Saylac oo sida la sheegay laga joojiyay inay wax xaqul Xashiish ah ka qaadaan Kastamka Jeekinka ah ee Caasho Caddo,arintaasi oo u cuntami wayday Maayarka Golaha deegaanka oo isna ku adkaystay inuu sugo Wasiir Warancade oo safar ugu maqan Dalka Itoobiya.
Maayarka Golaha deegaanka Saylac iyo Xildhibaanadda Golahaasi ayaa iyagu ku dacwiyaya in la cuno qabataynayo oo uu maamulaha Kastamka Saylac oo kaashanaya Badhasaabka Gobolkaasi ay ku heshiiyeen inay Curyaamiyaan Golahasi islamarkaana ay ka joojiyaan Dhamaan ilihii cashuuraha yari uga soo xeroonayeen ee ay ugu adeegayeen Umadda ku dhaqan Degmada Saylac. Maamulaha Kastamka Saylac ayaa aad looga dayrinayaan habka uu u shaqeeyo iyo kalsoonida uu ka haysto Dhinaca Wasaaradda Maaliyadda uu u sahashay inuu Gabood falo badan gaysto islamarkaana uu siduu doono yeelo. Inta badan murano soo noqnoqda ayaa ka dhaca degmada Saylac.