Xog ku saabsan wax qabadkii Madaxweyne Erdogan

Dire-Dhaba(XeerNews)Erdogan Iyo Waxqabadkiisa

Erdogan wuxuu xilka dalka Turkiga qabtay 2002 ,Turkigu halkuu joogay iyo hadda meeshuu marayo aynu eegno.

1. Turkigu wuxuu tartanta ganacsiga adduunka kaga jiray 2002 ka hor kaalinta 111, wuxuuna ahaa dal dayn la ciirciiraya ,maanta wax soo saarka dalka sannadkii iyo dhaqaalaha ka soo xerooda waxaa lagu qiyaasaa Hal Tirirliyoon iyo laba boqol oo Bilyan, wuxuuna maanta Turkigu ku jiraa kaalinta 16aad ganacsiga adduunka , wuxuuna ka mid yahay 20 dal ee adduunka ugu horeeya ganacsiga.

2. Xilligii Erdogan ka horaysay muwaadinka Turkiga waxaa soo geli jirtay isku celcelis sanadkii 3500 oo Dollar , maantana waxaa soo gala 12,000 oo Dollar ,2023 wuxuu qorshuhu ahaa idanka ilaahay siday xukuumaddu sheegtay in la gaadhsiiyo 25,000 oo Dollar sanadkii in ay soo gasho qofkiiba.

3. Waxaa kor u kacay mushaharka dadka shaqeeya Erdogan ka hor muwaadinka Turkigu wuxuu ahaa mushaharka ugu hooseeyaa 350 liire, maanta waxaa ugu hooseeya 950 , %300 ayuu kor u kacay mushaharku.

4. Turkigu wuxuu ahaa dal la ciirciiraya dayn uu ku leeyahay bankiga adduunka tan iyo sanadkii 1952kii ,xukuumadda Erdogan markii ay xukunka la wareegtay 2002 waxaa lagu lahaa 16 Bilyan ,qaybtii ugu danbaysay waxay bixiyeen oo ahayd 300 oo milyan 2013ka, waxayna Turkidu amaahiyeen bangiga adduunka 5 Bilyan oo Dollar markii dhaqaale xumidu la soo gudboonaatay dawlado badan oo Yurub iyo adduunkaba ah, waxaana kor u kacay kaydka dalka ee dahabka iyo lacagta adag waxayna sanadkii 2014 dawladda Turkigu kaydisay 114 Bilyan oo Dollar.

5. Mashruucyada waa weyn ee la fuliyey ayaa ah kuwo aad u tiro badan 52 Garoon diyaaradeed, kan Istanbul yahay kuwa ugu waaweyn adduunka, 125 jaamacadood, 189 dugsi (iskuul)qorshuhuna yahay in 21 Ardayba u helaan fasal, 500 oo Cisbitaal si qofna aan sariir loogu waayin dad gaadhaya 90 milyan, boqolaal buundooyin , tareenada dhulka hoostiisa mara, qorshaha xukuumada Erdogan oo ah 300kun oo arday iyo macalimiin ah oo mushahar lagu siiyo cilmi baadhis in ay u go’aan, oo ku mashquulaan.

6. Erdogan waa madaxweynaha kaliya ee dhugmada u leh daryeelida dadka walaalihii ee dunida ku nool waliba isha gaarka ah ku eega , soo booqda isgarab taaga, dhaqaale ku bixiya ,waa madaxweynaha kaliya ee soo booqday dalka Boorma si uu isu garab taago dadka Muslimiinta (Rihonga) la gumaadayey, waa madaxweynaha kaliya ee Soomaaliya sadexda jeer soo booqday , ku bixiyey dhaqaale badan, kana fuliyey mashaariic aan halkan lagu soo koobi karin, oo dhammaantood muuqda, waddooyin, cisbitaalo,dugsiyo , dekado kuna dhiiraday safaaradda ugu weyn Afrika Soomaaliya ka dhisto ,khayrka Erdogan guri Soomaali ah oo uusan gaadhin waa yaryahay miyi iyo magaalaba shantii sanadood ee la soo dhaafay, ardayda wax ku barata Turkigana ay gaadhayaan 2000 oo arday, sidaa si la mid ahna uu isu garab taagay dad badan oo dhibaataysan sida Suuriyiinta.

7. Isku dayga afganbiga ee xalay dhicisoobayna markii la maqlay qofkasta oo damiir u saaxiib ahi wuu ka murugooday , markii uu fashilmayna qofkasta oo damiir u saaxiib ahina waa farxay, waxaana hubaal ah in Erdogan loo muujiyey taageero dalka gudihiisa iyo dibadiisaba laga dareemay, shacabka Turkiguna waxay muujiyeen bisayl, waxaanay u hiiliyeen xaqqii, waana shacab mudan in waxbadan loogaga daydo, shacabka Turkiga Iyo Erdogan allow la jir, wixii ka horjeedana Allow Jabi