Injineer Mahad Abiib Norwey waxay naga dhigtay (Secon Class Citizens)

Saylac,(XeerNews)

Wargayska klassekampen ayaa cadadkiisa maanta oo jimce ah kusoo daabacay maqaal dheer oo uu qoray Eng. Mahad Abib Mahamoud. Maqaalkaas oo uu kaga hadlayo dhibta uu isaga shaqsi ahaan kal kulmay sharciga wadanka, dhibta dad soomaaliyeed oo 100 garaya soo gaartay iyo dareenkiisa ku aadan. Halkan ayaan kusoo koobaynaa waxyaabaha ugu muhiimsanaa ee ku yaalay maqaalkaas sida baaxada weyn uga hadlayo dhibaha xaga sharciyada ka haysto dadkeena soomaaliyeed, gaar haan kuwo lagala noqday dhalashada wadanka:

Waxaan dhalasho ahaan kasoo jeedaa Soomaaliya, waxaana Norwey imid aniga oo 14 sano jir sanadkii 2000. Halkan ayaan kaga baxay dugsiga dhexe, dugsiga sare iyo waliba jaamacada. Hada waxaan ka shaqeeyaa isbitaalka Ullevål sykehus, qaybta infectionka(Infeksjonavdelingen). Noloshayda inta badan waxaan ku qaatay Norwey, sanadkii 2008 ayaana qaatay dhalashada wadankan. Sidoo kale Xaaskeygu waxay haysataa dhalashada Norwey, waxaana haystaa gabar aan adeer u ahay oo ay xaaskeygu dhashay.

Sanadkii 2014 ayaa waxaan ila soo xiriiray booliska Norwey, qaybta qaabilsan holwaha ajaaniibta. Waxay ii sheegeen inay heleen warbixin sir ah, waxaana la iigu yeeray waraysi socday labo maalmood. Boolisku waxaa ii sheegeen inaan UDI-da siiyay warbixin khalad ah markii aan Norwey imaanayay. 6 bilood kadib ayay boolisku laaleen(xireen) kiiskii, maadaama ay waqti badan kasoo wareegtay. Laakiin aniga oo aan la isoo wargalin ayaa kiiskeygii loo gudbiyay UDI-da. Laanta socdaalka ee UDI-du waxay sheegtay inaanan ka soo jeedin Soomaaliya, balse aan ka imid Djabuti. Bishii Maarso ee sanadkana, waxaa la igala noqday dhalashadaydii wadankan. Waxaan registerka laga bixiyay taariikhdii aan qaatay dhalashada wadanka oo ahayd 2008, sidaas darteedna waxaan halkaas ku waayay dhibcihii lacagta howlgabka ee aan shaqaytay mudadii aan shaqaynayay. Waxay lamid tahay, iyada oo la tir-tiray dhamaan nolosheydii Norwey.

Mudadaas ay howshaas socotay, UDI-da ma aysan soo bandhigin wax cadeyn ah oo sheegaya inaan ka been sheegay meesha aan kasoo jeedo dhalasho ahaan. Aniga iyo dad kale oo ku sugan xaaladeyda oo kale, waxaan sameynay urur aan ugu magac darnay ururka second-class citizens ama ururka muwaadiniinta dabaqada labaad. Sababaha aan ururkan u sameynay waxaa kamid ah go aankii ay hay-ada maamusha booliska Norwey ay qaateen ee ku saabsanaa in dadka asal ahaan ka yimid 31 dowladood, meesha dhalashada passportka loogu qoro (ukjent) ama lama garanayo. Dadku waxay ka cabsi qabaan in loo diido inay u safraan wadamo ay kamid tahay USA, China ama wadamada bariga dhexe qaarkood. Sidee ayay hay-ada maamusha boolisku u gaari kartaa go aan sidaas u weyn, iyada oo aan lasoo marsiin dowlada ama wasaarada Cadaalada Norwey?

Dadka igula jiro ururkan oo 100 gaaraya waxay ku suganyihiin xaaladeyda oo kale. Waxaa looga shakisanyahay inay UDI-da siiyeen macluumaad aan sax aheyn ama ay qariyeen macluumaadka muhiim ah, markii ay qaadanayeen dhalashada wadankan. UDI-du waxay sheegtay in dadkan ay ka yimaadeen wadamada Djabuti, Kenya, Ethopia ama Tanzania. Meelaha qaarkood waxay UDI-du dib ugu noqonaysaa oo ay baaraysaa waraysiyadii ay dadku bixiyeen 27 sano kahor. Inkasta oo aysan UDI-du soo bandhigi karin cadeymo la taaban karo, hadana waxay sheegayaan in markii ay sameeyeen qiimeyn guud oo dhamaystiran kadib, ay isku arkaan inay ku saxanyihiin go-aanadooda ku saabsan ka shakinta dadkan. Su aashu waxay tahay: Maxay tahay qiimeynta guud oo dhamaystiran oo ay sheegayaan?.