Dhalinyaro Soomaaliyeed oo dalka Norwey Guulo Xaga Orodka ah ka soo Hooyey

Dire-dhaba (XeerNews)
Waxaa shalay lagu qabtay garoonka cayaaraha ee (Studium Bislen) tartan Oradka ah oo ay ka soo qeyb galeen Oradyahano ka socday dhamaan Magaalooyinka dalka Norway.

Tartankan ayaa waxaa uu ka dhacay magaalada Oslo ee Caasimada dalka Norway, ayadoo Orodyahanadii kaqeyb galay ay kamid ahaayeen labo Wiil oo Soomaali ah oo lagu kala magacaabayay Abdirahim Daahir oo isagu u taagnaa Orodka 800-M, Halka Ahmedsadiq Deeq Abdi Yare isna u taagnaa Orodka 400-M kuwaasi oo iyagu ku guuleystay kaalinta Koobaad.

Mar wax laga weydiiyay sida ay u arkaan dareenkooda guushan ay maanta soo hoyeen ayaa mid kamid ah hadalkiisii waxaa ka mid ahaa, “waxaa ay noo aheyd guul, waxaana u arkaa in aan usoo hoyay dadka Soomaalida gaar ahaan Soomaalida ku nool dalka Norway”.

Sawir qaade Abdinasir Qujufaay