Booliska Magaalada Munchen ee dalka Jarmalka oo soo af jaray toogashadi shalay

July 23 (XeerNews)— Toogasho ka dhacday goob ganacsi oo ku taal magaalada Munchen ee dalka Jarmalka ayaa waxaa ku geeriyootay sagaal ruux, kadib markii nin hubeysan uu weeraray xarun laga dukaameysto.

Booliska ayaa sheegay in weerarkaas uu qaaday hal ruux oo kaliya, kaasoo markii dambe is dilay, waxaana markii hore jiray warar sheegayay in weerarka ay geysteen saddex ruux.

Xaalada magaalada Munchen ayaa cabsi iyo jahwareer gashay, waxaana bilowday howl gal ay booliska ka wadeen magaalada oo dhan, iyadoo la joojiyay dhaq dhaqaaqii gaadiidka, dadkana waxaa lagu amray in aanay guryahooda ka soo bixin.

Ninkan looga shakisan yahay inuu weerarkan ka dambeeyay ayaa ahaa 18-sano jir heystay dhalashada Jarmal iyo Iiraan.

Weerarka ayaa waxaa ku dhaawacmay 18 ruux, waxaana xaaladooda ay aad u liidataa 3 ka mid ah sida ay booliska xaqiijiyeen.

Ma cada illaa iyo hada waxa uu la xidhiidhay weerarkan, lama oga inuu weerarkan xiriir la leeyahay falal argagixiso.

Howl gal ballaaran oo lagu baadigoobayay dad kale oo la sheegay in weerarkan xiriir la lahaayeen ayaa ka socday magaalada Munich, iyadoo la joojiyay gaadiidkii dhulka hoostiisa marayay iyo kuwa gaarka ah.

Booliska ayaa markii dambe xaqiijiyay in aanay jirin cid kale oo weerarka ka qeyb qaadatay, markii goob joogayaal ay ka shakiyeen gaari ay ku carareen labo ruux, markii uu weerarka bilowday.

Isniintii la soo dhaafay ayay aheyd markii qof ku hubeysnaa mindi uu dad ku dhaawacay mid ka mid ah tareenada dhulka hoostiisa mara, iyadoo markii dambe ninkaas ay toogteen ciidamada, waxaa uu ahaa nin u dhashay dalka Iraan laakiin ku dhashay kuna koray dalkan jarmalka