Xeer la,aan waa la Xoolooba

Dire-Dhaba(XeerNews)
Ciisoow xeer la,aan waa lagu xoolooba xeeb la,aana waa xadaarad la,aan

Xeer la,aan waa lagu xoolooba waa qayb ka mid ah murtida qarada wayn ee lagu yaqaan xeerka ciise laakiin xeerka laguma darin in ay xeeb la,aani tahay xadaarad la,aan.
Intaa la xasuusto ee qoraan taarriikhda xeebaha soomaaliyeed gaar ahaan kuwaa maanta lagu sheego awdal,salal iyo Saaxil dadkii ugu tiro iyo tayo badna ee ay ka sheegeyeen qoraayaddii reer galbeed waxay ahaayeen beesha ciise ka biloow min saylac ila Barbara qoraa walba wuxuu ku xusay page ugu badan iyo intaa jeer ee lagu tilmaamay in u ciise ahaa dadkii ugu tira badnaa dhulkaana degganaa arrintaa qofkii rabana ee dadaal iyo wakhti ku baxsha wuu ogaan karaa warkaa aan sheegi ee maaha wax iska mala waal ah oo aan aanu soo dhoo-dhoobay war bixinadii ay ka tagen waddamadi reer yurub siiba Ingriis waxaa ku cad in xeebaha maanta loo yaqaan Awdal,iyo saaxil gaar ahaan magaalooyinka Bula-xaar iyo degaanka Lughaya ay ahayeen dadkii soomaaliyeed ee ugu tunka weyna u ciise ahaa tira koobyo ay samaysay dawladi boqortooyada Ingriiska ee ku saabsanaa tirada dadkii soomaaliyeed ee ku noola xeebta waxay u kala baxaayeen oo ugu badna sadax reer(3) oo kala ahaa Issaq(-Habar awal) gedabuursi iyo ciise kuwaas oo ila maanta si dhib yar looga heli karo in ay wali degan yihiin xeebtan aan ka hadlaynoo tiradii ugu horeeysay ee laga hirgaliyo xeebaha waxaa la qabtay sanadkii 1890kii sadaxda beelood ee aan soo xusnay tirada iyo cadadka beel walba waxay kala haayeen sidan:
1-Habar-awa:l ee deganayd xeebta Bula-xaar ila Barbara:50.000 oo qof
2-Gedabuursi: wuxuu noqday 25.000 oo qof
3-Ciisana: wuxuu ahaa 70.000 oo qof
Taasi waxay ahayd war bixin laga heli karo kaydkii u ka tagay Ingriis sanadkii 1890 oo ahayd uun in yar ka dib markii magaalada Baarlin lagu qaybsaday dhulka soomaaliyeed marka ciise laga hadli kuma jirin ciisihi deganaa Ethiopia iyo Djibouti balse waxay ahayd ciisihi deganaa xeebta maanta loo yaqaan Awdal ee ay saylac caasimadda u ahayd.

Waxaa kalo jirtay in war-bixin kala u ingriis ku soo tira koobay dadweynihii soomaaliyeed ee degaana xeebaha Awdal taasna waxay dhacday sanadkii 1956kii waa qiyaastii 66 sano ka dib markii la sameeyay tira koobkii horaa een soo marnay oo ahayd 1890kii.
1-Habar-awal:100.000, ( boqol kun) oo qof waxaa ku biray= 50.000 oo qof
2-Gedabuursi:45.000 ,( shan iyo afartaan kun) oo qof waxaa ku biray=20.000 oo qof
3-Ciisa:55.000, (shan iyo konton kun) oo qof waxay hoos u dhaceen =15.000 qof
Mudada intaa leeg ee aan ku qiyaasnay 66 sano beesha ciise waxay gobolka awdal ku wayday dad lagu qiyaasi karo in ay sanad walba gobolka ka guuraan dad ku dhoow 230 qof halka beelihii kali ay sii koorodhay tirade soo degi xeebaha ee waliba sheegan in ay ahaan jireen Emperium iyo hadalo sarmo dhibibi laga qaado maanta dadka ciise ee ku nool meeshii ay ka tafiirmeen ee awdal kama badno 10.000 oo qof halka Djibouti oo waaga 1890kii ay dadka ciise ee ku noolaayeen ay ahaayeen wax ka yar 1500 qof.

Hadaba ma is waydiiyeyy ciise sababtaa u ugaa guuri awdal mase og yahay in dhul aad ka guurtay in aad ku soo noqon karto ay kuugu noqon doonto sacabadoo ay timo ka soo baxaan !!!!

Dadbaa ku doodi doona xeebaha waa laga wada guuray oo issaq iyo Gadabuursiba way ka guureen dadka sidaa ku doodu waxay ogayn in ay Issaq iyo Gadabuursi ay Hargeysa iyo Boorama u diga rogteen dushana ay ka eegtaan xeebta halka ciise wada sheegtay reer Djibouti u baahan Visa ay ku galan waqooyiga Somalia.

Ummad walba waxay leedahay dad hormood u ah oo sahamiyaa halka salka dhigan doonaan mustaqba fog iyo kan dhoow labadaba ciisana wuxuu leeyahay dadka aan sheegnay oo kala jooga geeska afrika iyo aduunka intiisa kalaba dadkkaasi waxay u kala baxaan siyaasiyin,aqoonyahan,madaxdhameed,qurba joog,maal qabeeno,iyo wixii lamid ah hadaan koox-koox usoo kala qaadno oo aan siyaasiyiinta ku biloowno.
1- Raga siyaasada ugu jira ciisa Somalia dega waxay maanta ku kala firdheen arrimaha Somalia waxayna kala joogan magaalooyinka Hargeysa iyo Muqdisho waxayna matalaan beesha ciise oo ay maamul iyo magacba ugu jiraan ragaasi kama muuqdaan saxada siyaasada Somalia iyo kan Somaliland intaba kama hadli karaan wax yaabaha ku soo bira gobolka salal oo magic ahaan u yaala degaan ciise laakiin ah meesha qudha ee ah sidii meel xaadhin geel ku kalkashay meesha sidaa ah waxaa jira rag jooga Hargeysa ama Saylac oo xitaa gabay in ay qaylo dhaan u diraan aduunka markay dhacaan masiiboyiinka lagu saliday dhulkeena ee ay abaaruhu ugu horeeyaan waxaana gobolka magaciisa ku hadla nin jooga magaalada Boorama oo ah badhasaabka gobol kale halka badhsaabka salalna lagu xanto in u yahay nin wathigiisa ku lumiya inta u dhaxaysa socdaal aan dhamaan la,hayn oo u kala goosho magaalooyinka saylac iyo Djibouti dadka qaarkiina ayba ku sheegan Bucul KOBAR la duul haduu sidaa kusii wadana laga yaabee in maalin uun lagu yidhaahdo keen adeer Visa aad saylac iyo salal baa aad ku gali karto oo loowya cadde laga soo cesho.

2-Madax dhaqmeedka ciise wuxuu illaahay ku manaystay xeer iyo dhaqaan raagay oo guyaal iyo guyaal soo taxnaa mana jirto beel iyo qoowmiyad kale oo degta geeska afrika oo laga heli karo waxaa ay beesha ciise hibada u heshay iyadoo ay sidaas jirta hadana beeshu wali way laangadhayn manaa aragno heerki laga sugayaay iyo kaalintii lagu yiqiin oday dhaqmeedka ciise in u guntaadan siday wax uga qaban lahaayeen dabar go,aa ku soo fool leh beesha ciise in ay ka soo dabar go,do halka ka soo farcan tahay ee Awdal waxaa la filaayay in ay GANDAHA beeshu dardar galisoo sidii loo soo celin lahaa ama loo yagleeli lahaa in la dhiso garab hoos yimaad gandaha oo u qaabilsan xog uururintaa beesha ciise ee wali degaan gobolka salal iyo in ay booqasho dhoola-tus ah ku gala baxshan dhulka ciise ee u nugul in lagu soo durgo ama lagu soo durgayba in ay wax ka soo ogaadaan durufaha ay beeshu la il daran tahay haba ugu horeeyan abaaruhuyee waan aragnay u ugaasku booqday meelo kala oo ay ka mid tahay magaalada faca weyn ee Harar oo ah iyadna degaan ciise oo ahaan jirtay dhulkii ciise ku balaan qaaday in ay hal rasaas ah ka dhici karayn oo amaamkeega isaguu u xilsaaran yahay si buunka dalka Ethiopia looga dhoofsho deggada Saylac loona sii marayn jiray magaalada kale la odhan jiray JALDESSA intaan Diredhaba iyo Djibouti loo guurin ahna magaaladi lagu dilay Ugaas Robleh oo ahaa ugaaska qudhe ee ciise ee ku dhintay gacan cadoow ka dib markii lagu soo eedeeyey in magaalada Jaldeesa lagu dilay dal xiise u dhashay dalka Talyaaniga waa taarrikh dhacaday qarnigii Minelik halkaas buuna ku dhimatay xidhidkii u dhaxayn jiray jaldeesa,Harar ,iyo saylac oo wada ahaa dhul ciise waxaana bilaamay jidka tareenka saylac,Jaldeesa , iyo hararna waxaa badalay Djibouti,Ayshaca, iyo Diredhaba ayshacana waxaa la marshay halkay Jaldeesa martay oo waxaa cagta marshay Haylee Salaalasee sanadkii 1962kii Diredhabana Mingistu sanadkii 1977kii dhacdooyinka maruugada badan ee ciise ka nool yahay halkan iyo qoraal yar oo qurba joog lagu soo koobi maayo kaliyaa waxaan uga gol leehay uun waxay tahay !! hadabaa haday oday dhaqmeedka ciise soo booqdeen Harar maxaa ka hor taagan magaalada saylac iyo gobolka salal saw maaha dhul ciise oo badhasaabka iyo duqa saylacba rag ciise oo aad ugaas iyo gande u tihiin maa?
3-Qurba jooga ciise kama tiro iyo tayo yara dadka soomaaliyeed ee dibada usoo haajiray hadaybaa ugu badnayn hasayeeshee macal asaf kama duwaana kuwaan soo tilmaanay wayna yartaa in la arko nin ciise oo qurba joog ah oo u fikiri sidaa ay soomaalida kale u fikiraan waxaan arkayaayay maalin dhawayd rag iyo gabdho ciise oo qurba joog ah oo ku shiray magaalada London lana baxay uruur loogu magic daray SCS mar dhoowna booqasho ay sahan ugu magic daran ku soo indha-indhayn doonaa degaanada ay degato beesha ciise waa wax lagu farxo runtii waana biloow iyo hidiilo nagu ugub ah in la arko ciise shirar qabeen laakiin waxaan aad iyo aad ula yaabay markaan daawaday cajalado muuqaal ah raga hadlaayay oo rabay in ay dhulka ciise iyo buurti SITTI macluumad naga siiyaan wuxuu ku dheeratay meesha ay ku taal Sittii iyo intaa kilometer ee ay sitii u jirto magaalooyinka Djibouti iyo Diredhaba laakiin marnabaa afkiisa ma soo marin in u sheego magaca saylac iyo salal ma wuxuu iloobay in markii xeerka sitii lagu suntaayay in ay jirin Diridhaba iyo Djibouti toona balse raga ciise ee xeerka dhidiba u aasay ay ka yimaadeen magaalada saylac oo marka Portaqiis dhulka la simay?ma fahmi karo waxaa ciisa ka madoobeeyey magacdi iyo dhulkii awwoowyaashood geela ku raaci jirin ee soo yaalka kasta oo laga qoray geeska laga dheehan karo nin qurba joog ah oo sheegan in sahan yahay dhul ciisana oo dhaafi waayay Diredhaba iyo Djibouti maxaan ku tilmaami karna?

Marbaa haddi siyaasi ciise oo Hargeysa iyo Muqdisho jooga ay ogayn cida iyo ciida ay matalaan,marba haddii oday dhaqmeed iyo gandaha beeshu kala garayn cidda ay oday dhaqmeed u yihiin dhulka ay degto,marbaa hadday qurba joog ciise qorsha ugu jirin in ay awdal tahay caro iyo ciid ciise walee ciisoow adaa og meeshad reerka u rari doonto een ka ahayn xaafada waraabalay iyo hanfiga Balbala.
Nabad iyo caano.