Xassuq an loo meel dayin oo ka dhacay dalka jabaa

XeerNews
Xasuuq aan hore loo arag noociisa ayaa ka dhacay dalkaasi Jabaan kadib markii xarun lagu xanaaneeyo dadka laxaadkoodu dhanayn lagu diley 19 qof oo ka mida dadka xarunta jooga.

Booliiska Jabaan ayaa sheegay in nin la qabtey bishii Feebarweri ee sanadkan oo la sii daayay oo isku soo dhiibey booliiska kadibna qirtey xasuuqa oo uu adeegsadey midi.

Ninkan ayaa sheegay in uu jecelyahay in dadka laxaadka la dunidda laga tirtiro. Waa xasuuqii ugu xumaa ee ka dhaca Jabaan oo dilalkaba ay ku yaryihiin inkastoo dadka iyagu isdila ay ku badan yihiin.

Ninkan ayaa hore warqad uGu qorey siyaasiyiinta dalkaasi una sheegay in uu dili dhamaan dadka laxaadka la ee aan dunida waxba ku soo kordhineyn waa siduu hadalka u dhigee.

Waxayse muuqataa in aan la dhegeysan isaguna ka dhabeeyay hadalkiisii. Ninkan ayaa daaqada uga soo dhacay dadkan laxaadka la kadibna wuxuu ku bilaabay midi ilaa uu ka dilo 19 qof 25 kalana dhaawaco.

Dadka xarunta lagu xanaanaynaayay ayaa da’doou u dhaxaysay 19 ilaa 70.