Taliyaha ciidamada Militaryga Djibouti iyo qaar ka mid wasiirada madaxweyne Geele oo khilaaf xoog leh soo kala dhex galay

Djibouti (XeerNews)

Warsida Africa Intelligence ee ay leeyihiin sirdoonka France ka ayaa daabacay qoraal xog ogaal ah kaasi oo sheegaya inuu jiro khilaaf xoogle oo udhaxeeya Madaxwaynaha dalka Djibouti Ismacil Cumar Geele iyo Taliyaha Military ga dalkaasi Djibouti General Zakariye Sheekh Ibraahim.Warbixinta ayaa lagu sheegay in Wasiirka Difaaca dalka Djibouti Cali Xasan Bahdon iyo wiilka kale ee uu Sodoga u yahay Madaxwayne Geele oo ah wasiirka caafimaadka Dr jaamac Cilmi Cokiye ay Xabsi Guri galiyeen General Zakariye Sheekh iyagoo ku edeeyay inuu Amardiida sameeyay.

Dhanka kale Madaxwayne Ismaciil Cumar Geele ayaa u xilsaaray Wiilka uu Sodoga u yahay iyo Raysal Wasaraha dalka Djibouti Abdull Qadir Maxamed Kamil inay maamulan shaqooyinka uu qaban jiray General Zakariye Sheekh Ibrahim, Madaxtooyada dalka Djibouti ayaa lasheegay inay lawaregeen dad sigaara loo xulay oo kasoo jeeda qoomiyada Canfarta ee dalka Djibouti kadib Markii uu Madaxwayne Geele Isku aamini wayay qabiilkiisa Ciisaha oo xiligan uu,u,arko inaysan raaali ka ahayn xukun kiisa aadna uga soo hojeedan.

Warbixinta ayaa Lagu sheegay in 16 Bishan July ay sidawada jira usoo bandhigeen Wiilka uu Sodoga u yahay Madaxwayne Geele oo ah Wasiirka Cafimaadka ee dalkaasi sababta uu General Zakariye shaqada uga Tagi la,ayahay iyadoo la joogo xiligii uu sharcigu fadhisinayay uuna yahay Retire ama hawlgab, General Zakariye Sheekh Ibrahim ayaa la sheegay inuu aad uga cadhooday Falka uu kukacay wiilka uu Geele Sodoga u yahay isagoo wacad kumaray inuu Xabsiga dhigi doono, Tani waa dhaqan akhlaaq xumo ka buuuxdo Mudo dheer ayaan qarankan usoo shaqeeyay wiilyar oo hada saaxada siyaasada Ehelnimo ku soo galay ayaana aniga sitoosa iigula yimid inaan shaqada katago ayaa kamid ahaa hadalada General Zakariye sheekh Ibrahim

Dhanka kale Maxawayne Geele ayaa wiilka uu sodoga u yahay u sheegay inuusan waxba u qaban karin sidaas darteedna ay laquman tahay inuusan ka fogaan Guriga Madaxtooyada iyo Aqalka uu dalka kuleeyahay oo aan sidaas uga Fogayn Safaarada dalka Frances ku kuleeyahay wadanka Djibouti. xidhiidhka Madaxwayne Ismaciil Cumar Geele iyo General Zakaraye ayaan wanaag sanayn Taniyo saadkii lasoo dhaafay iyadoo uu Madaxwayne Geele Ka Cabsiqabo Afgambi Military, waana sababta uu,ubadalay ilaalada Madaxtooyada,dalka. Madaxwayne Ismaciil Cumar Geele ayaa Saxiib dhaw la,ahaa General Zakariye sheekh Ibrahim waxaana lagu xantaa inuu yahay shaqsiga suurta galiyay inu Madaxwayne Geele Muda dheer xilka Haysto balse ugu danbayn tii umuuqata inay aad isaga soo horjeedan.