Colaad laga cabsi qabo in ay ka dhacdo degmooyinki lagu sheegi jirey in ay laalan yihiin

Saylac(Xeernews)August.1,2016-Warar naga soo gaadhaya magaalada borama ee xarunta gobolka awdal ayaa sheegaya in laga cabsi qabo inuu dagaal ka dhaco deegaanka Cali Xayd oo ka tirsan gobolka awdal gaar ahaana degmada lughaya.

Waxaana deegaanka isku haya laba ardaa oo wada dega deegaanka, waxaana muranka uu ka dhashay sida naloo sheegay waddo laami ah oo laga dhisayo jidka isku xidha degaanka Cali Xayd iyo degmada lughaya oo kawada tirsan gobolka awdal.

Waxaana wararku tibaxaayaan in laysku maan dhaafsan yahay dhismaha wadadani oo labadan ardaa midna leeyahay waa la dhisayaa midna leeyahya laba dhisayo.

Sidoo kalena waxay wararku intaa ku darayaan in todobaadkii hore israsaasayni dhex maray labadan ardaa, waxana xalinta arinkani ku dhex jira odayaal iyo waxgarad ka kala socda labada ardaa.

Gabagabaadiina dadwaynaha deegaanka ayaa ka cabsi qaba in markale dagaal ka dhaco deegaanka, waxana wararku intaa ku darayaan in la filayo in xukuumaduu ay ciidamo u dirto deegaankaasi muranku ka taagan yahay ee laga laalay xaquuqdi iyo xaqi ay u lahayeen in ay wax doortaan ama codeeyaan sida laga war qabo degmooyinka ka kooban 6-da degmo waxay taarrikhyeen ka mid yihiin degmada saylac laakiin tan iyo soo jirtay maamulaka Hargeysa dhulka waxaa laga abuuray muran iyo sheegasho ka soo burqato qaar ka mid dad ku nool magaalooyinka Boorama iyo Hargeysa oo aan waligood yeelaan xeeb iyo bad mid toona.