Maamulka Hargeysa oo saylac iyo Lughaya dhib mooye dheef usoo wadin

Saylac (XeerNews)
Madaxweynaha JABUUTI Oo Deeq Gaadhsiiyay Degmada XARIIRAD Ee Gobolka SALEL Iyo Nimco Cali-Gurey Oo Fariin U Dirtay Somaliland

July Mustafe Jannaale

 “Somaliland way ka gaabisay inay baahiyaha asaasiga ah wax kala qabato Gobolka Selel iyo degmooyinkiisa”Nimco Ali-GUREY

Nimco Cali Amakaak (Nimco-Cali-GUREY) oo ah gabadh firfircoon oo ka shaqeysa horumarinta Gobolka Salal ayaa waxay ku wareejisay Oday Cali Fure oo ka tirsan odayaasha degmada Xariirad ee Gobolka Salal Gaadhi Land-Cruiser ah.isla markaana waxay uga mahad-celisay Madaxweynaha Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle.

Munaasibadii loo sameeyey Wareejinta deeqdan Baabuurka ah ayaa lagu qabtay Magaalo Xuduudeedka Lawyacado.

Nimco Cali Amakaak (Nimco-Cali GUREY) ayaa sheegtay inay maanta ku faraxsan tahay inay dadweynaha reer Xariirad ku wareejisay gaadhi u adeegi doona, “Waxaan maanta ku wareejinayaa Oday Cali Fure Gaadhi Land-Cruiser ah oo Haadhtoob ah, kaas oo uu ugu soo deeqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti dadweynaha ku nool degmada Xariirad ee Gobolka Salal si ay degmo ahaan hawlahooda ugu soo qabsadaan.Aniga oo ka Wakiillada Madaxweyne-Ismaaciil Cumar Geelle waxa farxad noo ah sida uu Madaxweyne-Geelle uga war-hayo dadkiisa xaalada ay ku sugan yihiin, ee uu horumarin lahaa dhinacyada Caafimaadka, Waxbarashada iyo adeegyada asaasiga ah”

“Dadweynaha reer Xariirad waa inay qalbigooda ku hayaan sida uu Madaxweyne Ismaaciil uga war-hayo, inkasta oo ay ahayd inay Xukuumadda Madaxweyne-SIILAANYO adeegyada asaasiga ah ee lagu horumarinayo degmada Xariirad ay kaalinteeda ka qaadato, hadana way ka gaabisay, waxaanan leeyahay Xariirad Somaliland ayay ka tirsan tahay ee waa inay baahiyaheeda ka war-haysaa xukuumadda talada haysaa,haday tahay dhinaca Waxbarashada, Caafimaadka iyo baahiyaha kale waa inay Somaliland wax kala qabato”.Ayay tidhi Nimco.

Oday Cali Furey ayaa waxa uu uga mahad-celiyaya Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle deeqda gaadhiga ah ee uu soo gaadhsiiyay dadweynaha ku nool degmada Xariirad ee Gobolka Selel “Madaxweyne Deeqda aad na soo gaadhsiisay waan ka gudoonay haddii aanu nahay Odayaasha reer Xariirad, ILAAHAY xilka Madaxweynanimo ha ku fududeeyo waanaan ogsoonahay wixii wax qabada ee aad na qabatay….Nimco Cali-GUREY-na waa halyeeyada Gobolka Salal, waana gabadh firfircoon oo ka shaqeysa horumarinta dadkeeda adna taariikhda ayaa ku qoreysa”.

Maaha markii ugu horeysay ee uu Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle deeq uu gaadhsiiyo degmada Xariirad ee Gobolka Selel, balse waxa uu hore ugu deeqa Kay-biyood iyo dayactirka uu ku sameeyey iskuulka sare ee Aden Bille Secondary School ee degmada Xariirad ee Gobolka Salel.

Nimco Cali-GUREY1111111111111111

Nimco-Gurey2222

JJJJJJJJJJJJJJJJJJJJJ