Barashada Dhulkaaga iyo Bike beereeheega Barya lagu Nastaayo

Sawirada hoos ka muuqda waa qayb ka mid ah Magaalada taarrikha faca weyn leh ee Bike oo ku taal galbeedka Magaalada Madaxda labaad ee dal weynaha Ethiopia ee Dire-dhaba waxayna u jirta qiyaasti 80km.

Bike iyo dhamaan Gobolka Sitti waxay ka soo doogeen Abaarti lagu hoobtay ee sida gaar ugu habsaday gobolka oo maanta dad iyo duunyaba ay ka muuqato sawiiro ay ishu ku raaxayn karto.

Quruxda dabiiciga ah ee Ilaahay ku manaystay Biki  sidda Beeraha Buuraha dhee-dheer  iyo Biyaha qulquli iyo Horumarka laga soo sheegi waa mid ay magaalooyinka kalina kaaga dayeen karan Biki waxay noqon karta mustaqbal dhoow hormuudka Siyaasada iyo dhaqaale ee gobola Sitti sababto ah waxay leedahay ahmiyad gaar ah iyo nasiib ay lahayn magaalooyin kale oo ku yaal gobolka Sitti taas oo ah hal mar waxay isku heshay dhowr fursadood ka sokoow goobta ay ku taal oo goob muhiim ah waayo waxay ku taal inta u dhaxay labada magaalo ee ugu waawayn dalka Ethiopia oo Addis-abeba iyo Dire-dhaba waxaana laga dhisay lagaar cusub,dhakhtar,cusub,iskuul cusub,iyo degmo cusub