Qayb ka mid sida ay warbaahinta Hargeysa ugu jees-jeesto Beesha ciise

Nuqul Ka midda Heshiisyo Aay wadda Galeen Beellaha Ciise Iyo Beellaha Isaaq xiligii Dagaalki1988.

Saylac(XeerNews) Labadan Beelood ee walaalaha ah waxaay wadda galeen heshiisyo xiligii la’la dagaalamayey siyaad bare mid ka midda heshiisyadaas ayaa soo gaadhay shabakadda caalamig ee sayruuq.com.

Heshiiska ay Beesha Ciise ku Garab istaagtay Beelaha Isaaq 1989 kii Beesha Ciise oo ah beel degta dalalka Somaliland,Itoobiya iyo Djibouti ayaa si wayn u garab istaagtay beelaha Isaaq marki ay dagaalka kula jireen xukuumaddii SIYAAD BARRE. Beeshan oo ku suntan gobonimo aanay lahayn somalida kale madaama ay garab istaagto kolba cida jilicsan ayaan gooosan midhihii heshiiskan ay la gashay jabhaddii SNM Waxaanay noqotay beesha heshay dheefta ugu yar ee halgan kaasi ha ahaato sida saami qaybsiga xukuumadda,goleyaasha sharci dejinta,garsoorka iyo weliba guud ahaan shaqaalaha oo ay ku leedahay in ka yar 0·5%. Hadaba beesha Isaaq oo gacan waydiisatay beesha ciise ayaa imika ugu abaal guday dul boob iyo xilboob intaba iyadoon looba ogolayn inay sheegtaan erayga mujaahid. “”Taariikhda madhaafaanka ah ayaa xusi beeshan milgaha iyo maamuska leh. Degaanada CEEL LAHELAY,CABDI GEED,DAMASHA,CEEL SHEEKH dhamaantood waxay ina xusuusinaysaa siday beesha Isaaq abaalkayagi uga dhigtay hal bacaad lagu lisay ” sidaas waxa yidhi oday Guuleed oo ka mid ah odaaysha degmada Cabdi Geedi Faarax. Isku soo duubo dawladda somaliland ayaa u muqata mid u dheeliday dhinaca beesha dhexe.