Saylac silic iyo Saxariir ka kori mayso inta nin soo shaqa tagey musuul looga dhigay

 

Saylac(XeerNews)

Waxa ay ahayd dhawaan markii W/Maaliyadu ay baabuur Ambulance ah oo loogu talo galay guradka degdega ah ay u soo iibisay degmada Saylac kadib cabashooyin badan oo xukuumada ay u gudbiyeen dadka ku dhaqan degaankaas oo baahi badan u qabay helida baabuur gurmad degdeg ah loogu talo galay oo u adeega xaalada caafimaad ee degmadaasi.

Wixii ka dambeeyay helitaankii Baabuurkaasi Amblance-ka ah ayaa waxa soo ifbaxaya in dadkii danyarta ahaa ee reer Saylac ee baabuurkaas baahida u qabay aanay helitaankiisii mahadin, kadib markii ay maamul-xumo hadhaysay sida loo maamulay iyo gacan ku haynta baabuurkaasi.

Maxamuud Cali Xasan oo waqtigii Dawaladii Marxuun Cigaal Maayar ka hayaan jiray Degmada Saylac isla markaasna ku sugan maanta degmadaasi saylac ayaa dhaliilay gacan ku haynta baabuurka Ambulance-ka ah ee Saylac ee ay gacanta ku hayaan masuuliyiinta Kastanka Saylac

 “Waxa nasiibdaro ah in Baabuur Caafimaad gacanta loo galiyo Masuuliyiin aanan ehel u ahayn aqoona u lahayn caafimaadka oo ah madaxda Kastanka Saylac, waxa aan leenahay Wasiirada Maaliyada, Marwo Samsam Cabdi Aadan baabuurkii aad keentay ee aad ku mahadsanayad dadka reer Saylac ma mahadin, waxana uu gacanta u galay shaqaalahaagii oo waxana uu qarka u saaran yahay in loo isticmaalo si la mid ah sida loo isticmaalo baabuurta cashuuraha lagu eryado ee Turbataariyada, waxana aan sidan u leeyahay waxa uu noqday baabuurkii Caafimaadku mid qofkii u baahda ee adeeg caafimaad oo degdeg ah la yidhaa ku shubo shidaal dhan 70 litir oo ah 50 doolar oo lacag ah iyo wax ku dhaw”

Isaga oo hadalka sii wata ayaa Ex-Mayar Maxamuud waxa uu intan raaciyay “Baabuurkaas baahi xoogan ayay degmadu u qabtaa, waxana aan leeyahay sidii ku haboonayd loogama faaiidaysan, waxana aan cambaaraynayaa in dhawr maalmood ka hor ciidamada booliska ee Kastanka Aasha-cado ay gacanta u qaadeen dirawalkii baabuurkaas oo adeeg u fidiyay dad xanuunsan, waqti uu babauurka dhigay meel kastanka agteeda ah, laguna qabsaday maxaad kastanka u soo dhex dhigi wayday”

Ex-Maayar Maxamuud ayaa sidoo kale ku Taliyay qodobo dhawr ah oo ay ula muuqato in ay xal u yihiin Maamul-xumada hadhaysay Baabuurkaas ambulance-ka ah waxana uu yidhi “Waxaan soo jeedin lahaa in Gaadhigaasi lagu wareejiyo dadka ganacsatada ah iyo maamulka caafimaadka ee degaankaasi ee ka warhaya baahida caafimaad ee degaanka ka jirta, sidoo kalena ay masuuliyiinta Kastanku joogteeyaan bixinta shidaalka uu baabuurkaasi u baahan yahay maadaama oo ay gacana ku hayaan il-dakhli oo muhiim ah oo ay degmadu leedahay, ugu dambayna baabuurkaas loo maamulo si la mid ah sida baabuurta kale ee Noociisa ah ee ka hawl gala Geerisa, Lughaya Qulujeed iyo Dila oo intaba loo daba fadhiisto maamulka Caafimaadka ee degaanadaas oo taageero ka helaya dadka iyo hayadaha caafimaadka dhinaciisa naga taageera”

Dhinaca kale waxa falkan iyo wax ay ugu yeedheen maamul-xumo ku habsatay Baabuurkaasi Amblance-ka ah ee Saylac cambaareeyay masuuliyiinta xisbiga Wadani ee gobolka Selel, waxana y ku tilmaameen maamulkii caafimaadka ee degmada Saylac mid fadhiid ah oo qarka u saaran in adeegyadii gurmadka degdega ahaa ee loo baahnaa inay dadka ku dhaqan degamada waraqo fasax ah uga soo qaataan madaxda kastanka Saylac oo uu iyagana ku tilmaamay kuwo ku tagri falay awoodii dawladeed ee ay dadka ugu adeegi lahaayeen, maantana u xuubsiibtay kuwo damacsan in caafimaadkii ay curyaamiyaan iyagoo ay xusid mudan tahy in fara-ku-haynta baabuurka Ambulance-ka ah ee Saylac ay ugu abtirsanayaan in ay Wasaarada Maaliyada ee iyagaba soo magacaywday ay isagana soo iibisay. “Arintaasi waaa mid curyaaminaysaa adeegii caafimaadka ee Bulshada, dib u dhacna ku ah dagmadii Saylac ee markeedii horaba ahayd mida degmooyinka kale ka dambaysa” Ayuu yidhi Gudoomiyaha Xisbiga Wadani ee gobolka Salal Md. Farxaan Maxamed Yuusuf