Dibad Baxyo aan dhamaan lahayn oo ka socda Dalka Ehiopia

 

Dire-dhaba (XeerNews)

Dibad baxyo ka socda dalka Itoobiya oo dhimashada iyo xadhigga dibadbaxyada oo waliba maalinba maalinta ka dambaysa sii kordhaya 07 August 2016.

Ugu yaraan lix qof ayaa la soo sheegay inay ku dhinteen in ka badan laba maalmood oo dibad baxyo ka socda dalka Itoobiya, halka tiro kale loo taxaabay xabsiyada caasimadda, Addis Ababa.

Ilo wareedyo ayaa u sheegay Al Jazeera in afar qof ay ku dhinten sabtidii waqooyiga gobolka Gondar, marka lagu daro laba qof oo lagu dilay degaanka jimcihi.

Gondar waa gobol u badan qowmiyada Axmaarada islamarkaana 700km u jirta waqooyiga Addis Abab.

dawlada Itoobiya ma xaqiijin tirada dhimashada.

Dhimashada shacabka ayaa ku soo aadeesa iyada oo boqolaal qowmiyada Oromada ay ku dibad baxayaan caasimada dalkaasi ee Addis Ababa Sabtidii.

Ugu yaraan 500 oo qof Oromo – ah ayaa ka mudaaharaadaya igu cabaan arimo la xidhiidha sinnaan la’aan, dhaqaale xumo iyo takooridd . dibad-baxayasha oo ku qaylinayay hal ku dhigyo ay ka mid yihiin „waxaan rabnaa in aannu xoriyadda helno“ iyo „ha la siidaayo maxaabiista siyaasadda u xidhan“, ayaa waxa kala firdhiyey booliska oo isticmaalayay budad leeg iyo Haraati

Dad badan ayaa la xidhay.iyado goobta dibaxa la geeyay ciidamo fara badan.

Video muqaal ah oo wakaalada wararka ee Reuters sii daysay ayaa muujinaya iska hor imaadka iyada oo dad aan hubaysnayn askari oo bilays ah garaacay laaday, iyado dibad baxayaasha ka cararaya in la soo xidho.

Ra’iisul Wasaaraha Haile Mariam Dessalegn ayaa jimcihii ku dhawaaqay mamnuucista bannaanbaxyada, taasoo khatar galinesa midnimada qaranka ayuu yidhi “ waxana uu ugu baaqay bilayska in ay isticmaalaan waddo walba si looga hortago dibadbaxa.