Saami-Qaybsiga Kuraasta Baarlaamaanka Hargeysa

saylac(XeerNews)

Waxaa ayamahan laga hadlayey saami-qaybsiga kuraasta Barlamaanka somaliland,waxaana,ka hadlayey gudomiyaasha seddexda xisbi qaran ee
Ucid,Kulmiye, iyo Wadani.Hadaba,ma waxa  laga raba inay iyaga uni go’aan ka
gaadhaan sida loo qabysanayo kuraasta Barlamaankaka,mise arrintu waa ay ka duwan tahay oo iyagu  waxa ay ka hadlayaan nin walba xisgiisu inta kursi u rabo inu ka helo Barlamaanka.Haddii arrintu sida ahayn oo laga hadlayo qaybta beelkasta xaq u leedhay inay ka hesho kuraasta Barlamaanka,aaway dadkii iyaga meteleyey,mise arrintu waa kaliya intas  oo  kursi ayaan ku garanaye ku qanac beeshasey .
Hadaba waxa  laga raba inay go’aan ka gaadhan saami-qaybsiga kuraasta
Barlamaanka,waa seddex nin oo beel qudh ah ka soo jeeda,maxaase  laga
filayaa inu noqdo go’aankoodu.Haddii laga hadlayo beelkasta oo degta SL
kurasta ay xaq ugu leedahay inay ka hesho Barlamaanka,ma waxa u go’aminaya seddexda nin ee beel qudh ah ka soo jeeda,aawaydadkii beelaha
meteleyey ee u go’aan qaadi lahaa.
Arrintu saw ma aha  dhawrtoy  aniga ayaa ku dhigay,aniga ayaana ku dhamay.
Waxaan ognahay inay SL in badan raadinaysay in  addunko citirafo,hase yeeshee waxase ay u muuqta inaysan iyaduba dhexdeeda iscitirafsanayn
oo ay tahay SHIBIRAYAHAW HEESA,HALKAN SOO FADHAYSTA OO HEESA.,
Haddii la rabo,in si caddaalad ah loo qaybsado xubnaha Golaha Wakiiladda
waa in loo saaro gudii gaar ah oo ka kooban dhamaan beelaha degan SL.,ee
ma’ah in seddexada gudoomiye ee xisbiyada macaaridka ah loo saaro inay
iyago soo qaybiyaan sida loo kala helayo. Waxaa kale oo jira xeerar loo raaci
karo oo soo yaal ah, sida kii lagu soo magcaabay,marku marxuum Moh’ed
Ibraahim Cigaal noqday madaxweynaha SL. ee ahaa in beelwalba kuraastii
ay lahayd laga soo bilaabo 1960kii ilaa 1969kii,markii xukunka la wareegeen
ciidamadu, taasoo  loogu diftay 2.5, kana dhigaysay metelan beeshi lahayd
2 kursi inay yeeshaan 5 kursi.
Qoree:
Injireen Xaaji X M Warsame