Maamulka SNM-Ta Hargeysa waxay fahanta ninkii Sidda reer Khaatuma ula xisaabtama

Saylac(XeerNews)August.15,2016-Madaxwaynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo xalay isku shaandhayn ku sameeyey golahiisa xukuumadda isla markaana uu sameeyay xil ka qaadis,magacaabis iyo isku badal ayaa waxa uu madaxwayne Siilaanyo xilal kala duwan ku taxay sagaal masuul oo kasoo jeeda gobolka sool kuwaas oo madaxwaynuhu u magacaabay wasaarado kala duwan.

Ilo xog ogaal ah oo aan helayno ayaa sheegay in magacaabista sagaalkan masuul ay ka danbaysay sida naloo sheegay kadib wada hadaladii u furmay  kooxda khaatumo iyo dawlada Somaliland oo lagu soo hadal qaaday saamiga ay bulshada reer sool ku leeyihiin xukuumadda somaliland,iyaga oo horena sida naloo sheegay madax-dhaqameedka reer sool warqad cabasho ah usoo gudbiyeen madaxwaynaha somaliland.

Bulshada Somaliland ayaa saaka aad u hadal haya isku shaandhayntii uu xalay sameeyey madaxwayne Siilaanyo iyo waliba sagaalkan masuul ee kasoo jeeda gobolka sool ee xalay madaxwaynuhu xilalka kala duwan u igmaday.

Masuuliyiinta kasoo jeeda gobolka sool ee xilalka lagu taxay ayaa waxay kala yihiin sida tan.

1.Yaasiin X. Maxamuud Xiir (Faratoon), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Mudane Cusub)

2.Guuleed Maxamed Shire, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Duulista Hawada ee Jamhuuriyadda Somaliland (Mudane Cusub)

  1. Yuusuf Axmed Faarax (Af-lahaar), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka ee Jamhuuriyadda Somaliland.(Mudane Cusub)
  2. Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Beeraha ee Jamhuuriyadda Somaliland .
  3. Maxamed Axmed Xasan (Jabarti), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Guddida Qandaraasyada Qaranka
  4. Maxamed Axmed Aadan (Maxamed Boocame) Loo Magagacaabo Wasiiru Dowlaha Wasaarada Warfaafinta Iyo Wacyigelinta Somaliland.

7.Sarreeye Guuto, Saleebaan Barre Xasan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Abbaanduulaha Labaad ee Ciidanka Qaranka.

  1. Mudane, Maxamuud Ismaaciil Cilmi (Deeq), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha gobolka maroodi jeex.

9 -La taliyaha Wasiirka Arimaha Gudaha xaaji Jeeni yare