Hoteelka ugu weyn caalamka oo laga furayo Magaalada Barakaysan Maka

Djibouti(XeerNews)

Waxaa lagu wadaa in magaalada barakeysan ee Maka Almukarama laga furo hotelka ugu weyn caalamka oo dhan, iyadoo hotelkan la sheegay in albaabada loo furi doono sanadka soo socda ee 2017.

Qiimaha uu ku kacay dhismaha hotelkan noqonaya kan dunida ugu weyn ayaa gaaraya 2.5 Bilyan oo Giniga Istarliinka ee Ingiriiska ama (Saddex kun iyo laba boqol oo milyan oo doolar).

Hotelkan oo ay dhisayaan koox Injineero caalami ah, wuxuu dhex jibaaxayaa daruuraha, wuxuuna ka kooban 10 kun oo qolal jiif ah iyo 70 baar oo laga cunteeyo, waxaana ku degi kara diyaaradaha helikobtarka iyo kuwa yaryar.

Hotelkan ayaa loo furi doonaa dadka doonaya inay kireystaan, laakiin 5 ka mida dabaqdyada hotelka waxaa loo gaar yeelay oo kaliya degaya qoyska reer Boqor ee dalka Sacuudiga.

Hotelka oo ay maalgelisay Wasaaradda Maaliyadda Boqortooyada Sacuudiga wuxuu 2 KM oo kaliya u jiraa Xaramka barakeysan ee Kacbada.

Maka-hotel

Maka-hotel1

Maka-hotel2

Maka-hotel3