Wasaarada Difaaca ee Jarmakla oo soo bandhigtay Hub cusub
Berlin(XeerNews)
Wasaarada gaashaandhiga iyo difaaca dalka Germany ee (Deutsche Bundeswehr Abwehr) ayaa soo bandhigtay Taangiyo dagaal oo labo dhuumood ah , waliba loogu tala galay in lagu soo rido Diyaaradaha dagaalka .
Jarmalka ayaa shaaciyay in ay ka iibin doonaan Kaarayaashaan wadamo qaas ah oo ay xidhiidh iyo iskaashi Milatari leeyihiin sida dalalka Brazil , Peru , Philipine , Jordan iyo Bangaladesh iyo qaar kalo badan.
Waa markii ugu horeeysay oo la arko Taangiyo ama Kaarayaal loogu tala galay in dhanka cirka loo rido halka markii hore ay ka ahaan jireen in dhulka ama furimaha dagaalka la isku duqeeyo(Panzer) .