Tilmaamihii Soomaalida Gumeysiga ka hor


(XeerNews)
Qabiilku wuxuu leeyahay nidaam u eeg qaab-dhismeed dawladnimo , oo bulshada lagu hogaamiyo. Iyadoo xeerarka lagu dhaqmayaa kala duwan yihiin

Hab-Dhaqankii  Soomaalida ee Wakhtigaasi

Dadka soomaalidu may lahayn maamul ay ku midaysan yihiin, balse waxay ku tiirsanaayeen qaab-qabiil oo ahaa mag-wadaag amma tolnimo. Qabiilku wuxuu leeyahay nidaam u eeg qaab-dhismeed dawladnimo , oo bulshada lagu hogaamiyo. Iyadoo xeerarka lagu dhaqmayaa kala duwan yihiin. Xeerarkaasi waxa ay inta badan ku salaysnaan jireen waayo-aragnimo hore u soo martay xeer-beegtida qabiilka. Hogaamiyaha qabiilku wuxuu masuuliyada ugu weyn saari jiray nabadgaliyada xoolaha, difaaca dadka, daaqsinta, beeraha iyo biyaha. Dadka soomaalidu waxay isugu jireen xoolo-dhaqto, beeraly iyo in yar oo kalluumaysto ahaa.

Beeralaydu waxay u badnaayeen dadka degan, WEBIYADA  JUBA IYO SHABEELE. Dhinaca somaliland deegaanada  GABILEY, KALBAYDH, WAJAALE IYO DILLA. Dagaalada ugu qadhaadhi waxay ka

dhici jireen xoolaha la kala dhaco, daaqa, biyaha iyo gabdhaha xumaan lagu sameeyo. Markay reer hebel xoolaha ka dhacaan reer kale, waxaa marka hore lagu dayi jiray wadaxaajood, ka dib haddii wadaxaajoodkii shaqayn waayo waxa la abaabuli jiray dagaal xoolaha lagu soo dhacsanayo amma xoolo kale oo reerahaasi leeyihiin ayaa la soo dhacayaa.

Qabaa’ilka kala duwan ee soomaalidu waxa ka dhexayn jiray xeerar kala duwan, marka xeer-beegtidu geedka isugu yimaadaan, waxa la odhan jiray maxaa reer hebel xeer inooga yaallay, ka dib ayaa la bilaabi jiray dhaqan galinta xeerkii u yaallay. Dadka soomaalidu waxay ahaayeen bulsho aan waxba wadaagin, balse reer kastaa wuxuu gaar u haystay xoolo aanay cidi la wadaagin.

Hal qodob oo kaliya ayey heshiis ku ahaayeen, kaaso ahaa  IN LAGA HORTAGO GUMAYSIGADALKOODA SOO GALAYA. Dhaqankaasi ilaa hadda wuxuu ka muuqdaa dadka soomaalida oo dawladaha ay samaystaan kuma heshiiyaan, ileyn wax la wadaago may arage. Jahawareerkaa imika jiraa wuxuu ka markhaati kacayaa dhaqankii hore ee soomaalida ee qabiilka ku salaysnaa.

Sahamiyeyaashi maxay Soomaalida ku Tilmaameen?

Sahamiye la odhan jiray Richard F. Burtonoo ka mid ahaa raggii soo maray dhulka soomaalida gaar ahaan somaliland sannadihii 1854 ilaa 1855 wuxuu soomaalida ku tilmaamay dad dhaadheer oo dhuubam. Orod badan, isla-weyn, hawl kar ah, geesiyaal ah una adkaysta dhibaatooyinka nolosha deegaanka ay ku nool yihiin.

Sahamiye la odhan jiray Sir John Kirkaoo Ingiriiska u fadhiyey jasiirada Sansibaar ayaa yimid dhulka soomalida sanadkii 1870 wuxuuna yidhi” soomaalidu kama haybadaysto ingiriiska iyo cidii kale ee u timaada. Wuxuu aad ula yaabay oday soomaali ah, oo awrkiisa wata ayuu ag-maray, markaasuu odaygii sanka is-qabtay ka dib turjumaankiisii ayuu ku weydiiyey wuxuu yidhi iyo sababta uu sanka isugu qabtay. Turjumaankii wuxuu ugu jawaaby” gaalkan saanta-cad ee uraya ayuu yidhi”. Sir John Kirka wuxuu soomaalida ku tilmaamay dad isla-weyn, oo wax cabsi ahi aanay haynin.

Badhasaabkii Ingiriiska ee xukumayey Bariga afrika oo la odhan jiray Sir Charles Eliotayaa isaguna soomaalida ku tilmaamay: Waa dad aaminsan inay ingiriiska ka sareeyaan, oo dagaal jecel, hadal-badan, xanaaq-dhaw, isu-hiiliya oo gaalada neceb.

Sahamiye la odhan jiray J.H. Speke ayaa isna ku tilmaamay soomaalida: qof kasta oo aad aragto waxaa ku yaalla nabar , markaad weydiiso wuxuu ku odhanayaa, dagaal ayaan ku dhaawacmay amma dugaag ayaa i cunasy, waa dad nolosha aad ugu adkaysata. Qaarkood waabad yaabaysaa sidey uga bogsadeen dhaawacan soo gaadhay. Waa dad diinta jecel, oo haddii ay kugu arkaan inaad diinta wax ka sheegtid way kula dagaalamayaan.

Heshiiskii Ingiriiska iyo boqorkii Xabashida

Sannadkii 1897-kii ayey dawlada ingiriisku wefti u soo dirtay dalka itoobiya, oo wakhtigaasi uu xukumayey boqorkii Menelikii labaad. Waxa kale oo awood xoogan ku lahaa boqorka ninkii la odhan jiray Ras Mokenen oo uu abti u ahaa.

Sannadihii 1894-kii ilaa 1900 ayuu boqor Menelika oo kaashanaya Ras Makenen, waxay qabsadeen inta badan dhulka soomaali galbeed, waxayna ka samaysteen saldhigyo milatari oo lagu xasuuqo dadka soomaalida ah, si aanay kacdoon u sababin. Taasina waxay keentay in xabashidu la gorgortanto quwadaha reer yurub.

Weftigan ingiriiska waxa hogaaminayey in la odhan jiray James Rennel Rodd. Dhinaca xabashada waxa uga qaybgalay boqor Menelik iyo Ras Mokenen. Labada qodob ee laga wadahadlayo ayaa kala ahaa:

1. In boqor Menelik aanu taageerin kacdoonka Mahdiga Suudaan.

2. In xad loo sameeyo dhulka ay xabashida iyo reer yurub kala haysteen.

Waxa markiiba laga heshiiyey qodobkii koowaad, balse wuxuu shuruud ku xidhay in dhulka soomaalida kuway doonayso hesho. Ras Makenen oo ahaa badhasaabkii Herer, oo aad u kala yaqaanay dhulka soomaalida, ayaa miiska soo dhigay qorshe ahaa in lagu wareejiyo dhul badkiisu yahay 33,000 mayl, oo isku wareeg ah, oo ay ku jirto Hargaysa ilaa Jig-Jiga. Ingiriiska oo xariif ku ah khiyaamada ayaa doodii si kale u dhigay, wuxuu aakhrikii ogolaaday inuu ku wareejiyo 13,500 oo mayl oo isku wareeg ah. Dhulkaasi wuxuu ka kooban yahay dhulka Ciisaha iyo dhulka Habar Awasha galbeed ah.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.