Boqol Kun oo Qof oo iskugu soo baxay Magaalada Sanca ee Xaunta dalka Yemen

Sanca(XeerNews)
Dad tiradoodu lagu qiyaasay boqol kun oo qof, ayaa Sabtidii maanta bannaanbax ka dhigay Magaalada Sanca ee Caasimadda Yemen. Bannaanbaxaan ayaa ahaa mid looga soo horjeeday duqaymaha ay dalkaasi ka wadaan isbahaysiga uu hormuudka ka yahay Sacuudiga.
Dibadbaxayaasha, ayaa waxay ku qaylinayeen ereyo kul kulul oo ka dhan ah isbahaysiga, waxayna muujiyeen sida ay kaga soo horjeedaan duqaynta ay ka wadaan dalkaasi.
Madaxda Jabhadda Xuuthiyiinta oo la hadlay dibadbaxayaasha, ayaa waxay isbahaysiga ku eedeeyeen in ay duqaynayaan dadka maatida ah ee ku dhaqan goobaha, ay iyagu ka arrimiyaan.
Duqaynta diyaaradaha isbahaysigu ka wadaan Yemen, ayaa waxaa ku dhimatay in ka badan 6,500 oo shacab ah, sida ay sheegtay Qaramada Midoobe.