Sawirrada hoos ka muuqday ayaa innuugu Filan Bur-Burka iyo Qasaaraha ka dhashay Garaxii maanta ee Gaalkacayo

Gaalkacayo(XeerNews)

Wararkii u dambeeyay ee ka imanaya Gaalkacayo qaybta Puntland maamusho ayaa sheegaya in xasuuqa ka dhacay goobtaas ay waxyeelo ka soo gaartey dad farabadan iyadoo dhaawaca lagu sheegay ilaa 20 qof.

Qaraxa hore ayaa ka dhacay xarunta dawlada Hoose halka kan labaadna uu ka dhacay Suuq Xero Dayax. Kan labaad ayaa loogu talogalay in lagu dilo dadka isku soo baxay.

Qaraxyadan inta ayna dhicin waxa suuqa booqdey wasiirka waxbarashada iyo wasiirka howlaha guud ee Puntland.

Masuuliyiinta Maamulka Puntalnd ee gobalka Mudug ayaa hadda leh shir deg deg ah oo ay uga hadlayaan xaaladda magaalada Gaalkacyo iyo Qaraxyadii dhacay.

Goobta ay qaraxyadu ka dheceen ayaa loo diidey dad weynaha, Dhiig badan ayaa daadsan Agagaarka Xarunta dawladda Hoose ee magaalada Gaalkacyo oo ahayd halkii Saaka la weeraray.

Shacab badan ayaa la xaqiijiyey in ay ku dhinteen weeraradan, waxaana adag in la helo xaqiiqada rasmiga ah ee dhimashada iyo dhaawaca.

Laamaha Caafimaadka ayaa sheegay in lasoo gaarsiiyey in ka badan 20 qof oo qaba dhaawacyo kala duwan, intaasna ay ka badan karaan dhaawacyada, maadaama ay dad badan dhaawacyada la carareen.

Tirada dhimashada ilaa hadda maahan mid sugan, warar is khilaafsan ayaa soo baxaya, maadaama shacab badan lala beegsaday qaraxii Labaad oo lagu qaaday Suuqa Xero Dayax xili ay dadweynuhu aad ugu dhawaadeen halkii uu ka dhacay qaraxii koowaad.

1-6-768x432

2-6-768x432

3-6-768x432

4-6-768x432

5-4-768x432

6-2-768x432