Ciidamada Dawladda iyo Amisom oo Hawlgal qorshaysan ka Bilaabay Galbeedka Gobolka Hiiraan
Muqdisho(XeerNews)
Ciidamada Dowladda Federalka Somaliya iyo kuwa Amisom ayaa saaka ku dhaqaaqay howlgalo ka dhan ah Ururka Al Shabaab oo ay ka bilaabeen Galbeedka Magaalada Baledweyne.
Howlgalkaan waxaa hoggaaminaya Maxamed Ibraahim C/laahi oo ah guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Hiiraan, Guddoomiyaha magaalada B/weyne Maxamed Cismaan Cabdi Qallaafow,Taliyaha guutada 10-aad ee ciidanka xoogga dalka Somaliyeeed Korneel Tawane Axmed Gurey, Taliyaha ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti ee gobolka Hiiraan Korneel Xasan Jaamac iyo saraakiil kale.
Ujeedka howlgalkaan ayaa ah sidii Shabaab looga sifeyn lahaa deeganada Gobolka Hiiraan ee ku dhaw Magaalada Baledweyne ay kaga dhuumaaleystaan.
Dhawaan ayeey aheyd markii ciidamo ka tirsan Shabaab iyo kuwa Maleeshiyaad hubaysan ay ku dagaalameen duleedka Magaalada Baledweyne, gaar ahaan deegaanka Luuq Jeelow, halkaasi oo la sheegay Sarkaal Shabaab ah in lagu dilay.