Sittiyeey maxaad u weyday Waxaad Mudnayd?

Bismilaahi Raxmaanaraxiim,
waxaan marka hore ku qasbanahay inaan salaamo
ummadda muslimiinta ah,meelkasta ha joogane,gaar ahaana,waxaan salaamaya
ummadda somaliyeed,waxaanan ugu ducaynaya inuu ilaahay weyne ka saaro
dhibaatada ay ku jiraan,waxaan ujeeda konfurta Somalia. Maqaalkaygan wuxuu
ku soo beegmay,iyada oo habeenkii xalay ahaa,kuwo  arxandarayaal ihii werar ku
qaadeen dad shacab ahaa,oo iskaga caweynayay maqaaxii ku taal xeebta Lido,halkasna ku xasuuqeen dad ka badan 10 qof,dhawacayna tiro intas kabadan.
Intas waxaan u dhafayaa xaladda gobolka Sitti oo la sheego inuu ka tirsan DDSI,
haseyeeshee,magac ahaan uun  uga tirsan DDSI,balse aanan la wadaagin wax
horumarin ah sida goboladda kale ee ka tirsan DDSI. taaso ka timid fara bidixaynta lagu hayo,horseedna ka yahay Moxamad Cabdi Cumar,ina Illay.
Ilaa markii loo magcaabay madaxnimada kilalk 5-aad,ina Illay wuxuu seefta galka uga siibtay  sidii u hadhuudhlaha ugu dari lahaa gobolka oo u arkay inuu gobolka sidas baaxada weyni ku noqon karo qatar madaxnimadiisa,wuxuuna iyada oo aysan jirin haba yaraate wax ku qasbay.inuu seddex degmo oo gobolka Sitti ka
raaciyay dawlad-degaanka Cafarta,isaga oo kula heshiiyay madaxda Cafarta
in haddii ay aqbalan inay  la wareegan seddexdas degmo,uu siin doono waxalaale
ay uga baahdan.Seddexdas degmo wax ay kala yihiin,Cadayti,Gadhmlaw iyo
.undhufo,kamana jiraan degmooyinkas,haba yaraatee wax ban’admku u baahan
 yahay..
Gobolka Sitti,waa gobol aad u balaadhan,waxaana lagu qiyaasa inuu yahay 45%
dhulka DDSI,waxaana degaan gaar ah u tahay beesha Ciise,shacabka degana
50% waa xoolo-dhaqato,waxaana dhibaato joogta ah ku haya abaaro soo noq noq
ka farabixiya xoolaha,sidii kuwii soo maray sanadihii 2014-2015kii,ee ku  caydhobeen,dadkasna dib-u-dejin looma samaynin,si ay noqdan beeroley,meelihii
ku haboona in wax la beeri karo,ee iyaga la dejin lahaa,waxaa la dejiyay dadkale
oo gobolo kale laga soo daabulay.
Waxaa kuwa ka mid ah maamulka,oo ka soo jeeda gobolka,oo ka baaqsaday
waajibaadkii ka saarna gobolka horumarkiisa,hase yeeshee,ka doorbiday inay
danahoodun ilaaliyaan, sidas darteed,arrintu waa Sittiyeeyi ma helin wixii aad
mudnayd.
Qore:Xaaji X.M. Warsame