Wasiir ugu magacaaban arrimaha Gudaha ee Maamulka Hargeysa oo ah nin dhulkiisiba Xoog looga Haysto ayaa dadka Lughaya ugu Hanjabay in ay qasab ku codeyn doonaan

Hargeysa (XeerNews)

Maamulka Hrageysa ee Somaliland, ayaa wareegto sababaysan ka soo saartay diiwaangelinta dadka ku dhaqan lix goob-doorasho ku yaal xeebta galbeed ee dalka oo ay maamulkooda ku muransan yihiin saddexda gobol ee Maroodi-jeex, Awdal iyo Saaxil.

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Yaasiin Maxamuud Faratoon, ayaa soo saaray amar lagu bilaabayo diiwaangelinta codbixiyayaasha ee lixda deegaan ee ku yaal Waqooyiga Hargeysa iyo bariga degmada Lughaya.

Wareegto xukuumaddu soo saartay oo uu Wasiir Faratoon ku shaaciyey shir jaraa’id oo ku qabtay xafiiskiisa kadib markii uu la wareegay xilka wasaaradda Daakhiliga shalay, waxay u dhignayd sidan;

Ø In lixdaa goobood aanay meelna raacayn ee keliya ay ka qaybqaadanayaan doorashada Madaxtooyada ama Madaxweynaha lagu dooranayo

Ø In aan goobahaasi laga gali doonin doorashooyinka Baarlamanka iyo degaannada ilaa inta go’aan cad laga gaadhayo halka ay raacayaan.

Ø Waxaan caddaynayaa in aan diiwaangelinta codbixiyuhu wax saamayn ah ku yeelan doonin go’aan ka gaadhista lixdaa goobood iyo kala xadayntooda.

Ø Ciidanka booliska Jamhuuriyadda Somaliland waxa lagu wargelinayaa inay ilaaliyaan nabadgalyada, isla markaana ka gutaan waajibaadkooda qaran muddada diiwaangelinta codbixintu ka socoto lixdaa goobood.

Ø Haddaba, waxa la idin farayaa inaad hirgelisaan diiwaangelinta iyo dhigista sanaaduuqda lixda goobood ee kala ah; Hulka, Ceel-sheekh, Cabdi-geeddi, Ceel-la-helay, Bildhaanlay iyo Damasha.”oo dhamaantoo ah dhul beesha ciise degto.