Dambigale aan loo Dabagaleyn Dambigii u Galay
, salaan kabacdi,
waxaan jeclahay,bal inaan wax xooga ka hadlo,dhibaatoo-
yinka ka taagan Somalia ee ah isdilka ,qaraxyadda isboobka iyo kala dembayin
la’aanta ka taagan mudada ka badan dhawr iyo labaatanka sanno.sobobtu
waa dabagal la’aanta aan ciidina dabagalayn debilayaasha gaysanaya qaraxyada iyo boobka xoolaha ummadda. Haddii isla markii u bilaamay burburku, la daba-
gali lahaa debiile kasta, lana icqaabilahaa arrimahan hadda taagani sidas ma
ahaadeen.
Waa arrin aan moron ku jirin,in kuwa qaraxyada samaynaya,iyo kuwa iyagu
isqarxinaya naftoodaba,aysan ka soo degin cirka,ee u midkasta ku nool yahay
qoys,kana soo boxo marka u isqarxiinayo ama marku dad kale qariixnayo.
hase yeeshee, siiyaabo kale duwan dartooda loo qarinayo, waana ta somalidu
ku mahmahado HASHU GEELA AYAADA UNAYSA, IYADANA HADDANA CABADAYSA.,waa ayna adag tahay in guul laga gaadho soo afjarida qaraxyada.
ay maalin kasta ku nafwayayaan ummad masakiin ah oo aan waxba galabsan.
Somalia marna kama dhicin in maxakamda la soo taago,qof lagu eedaynayo
dembi u ka galay qaranka iyo shacabka somaliyeed.,
.
Qaarka mid ah ahaa qabqablayaashii iyo War Lordskii,ee malaysiyo beeleedyadii
)ka jiray dalka ayaa qaarkooda yihiin madaxweyne goboleyada, dawladda Federalka Somalia,iyada oo marn lala xisaatamin,waana iyagii naftoodii kuwa
,hadda ku qabanaya shirka madasha qaranka(SMQ) ee laga sugayo in ay
abuuran jawi doorasho xallaalihii dalka ka qabsoonto,haseyeeshee taasi ma
muuqato inay suurtogal tahay, waayo, doorashada dadban ee ay sheegayaan,waa mid iyaga uun u suurtagelin doonto inay ku soo noqdan xukunka.
.
Taas haddii aan intaas ku dhaafo,ka sokow ciidamada xooga dalka(SNA) waxaa
dalka jooga ciidamda Amisom ee ka socda dalalka Ugandho, S/leon, Buruundii
iyo jamhuuriyada Jabuuti, kuwasoo wajibaadkoodu yahay inay ururka Alshabab
oo lagu qiyaaso tiradooda 5.000 ilaa 6.000 ka safeeyaan dalka,hase yeeshee wali
Alshabab hawgalo ka fulinayso dalka. Ummadda somaliyeed,waxa ay filaysay
in marka hawlgalkooda dhamaystaan,si dhaqsale dalka uga baxaan,waayo dalku
waa dal haysta Diinta Islamka oo ku dhaqma,joogista ciidamo aan Muslimin ahayna ,waxa ay la iman karan waxyaabo xadgudub ku ah Diinta Islamka,kadibna
dhibaato ka timaado.
Ciidamda Amisom, waxaa dhawaan loo magcabay inuu madax ka noqon Major
General(Sareeye Gaas),Cusmaan Nuur Subagle oo ka soo jeeda Jamh.Jabuuti,
waxaana la huba inuu dardar cusub gelin doono Amisom,si ay guul horle.u gaadho
Wabilaahi Tawfiiq,
qore Haji,H.M.Warsame