Talyaania oo Badda ka soo badbaashay Tahriibayaal Gaadhayaa 65000 oo qof

37AEBB2600000578-0-image-a-6_1472473327510Hay’adda ilaalada Xeebaha dalka Talyaaniga ayaa sheegtay in maalintii shalay oo Isniin ahayd Badbaadiyeen 6500 oo qof kadib 40 howlgal oo ka dhacay banaanka xeebaha dalka Liibiya.

Dadka ay ciidanku badbaadiyeen ,waxaa kamid ah ilmo yar oo jira 5 bilood iyo caruur kale oo aad u yaryar kuwaasoo lagu qaaday diyaarad lana geeyey Isbitaal kuyaala Talyaaniga.

Hay’adda MSF ayaa qeyb ka qaadatay badbaadinta dadkan,iyadoona dadka ugu badan ee lasoo badbaadiyey maalintii Axadda ay gaarayaan 1100 oo qof oo u badnaa Ereteeriya iyo Soomaaliya.

37ADA4B400000578-0-image-a-25_1472473423950Xeebaha dalka Talyaaniga ayaa ,waxaa soo gaaray sanadkan gudihiisa dad gaaraya 112 000 kun oo qof kuwaasoo kasoo talaabay Badda dhexe.

Talyaaniga aya sheegaya in tirada dadka tahriibta ah ee Badda dhexe isku soo qaadaya ka hor xiliga qaboobaha ay aad u sii badan doonaan marka la eego tirada diyaarka ah ee ku sugan xeebaha Liibiya.

Dadka tahriibta a ee ku sugan Liibya ayaa u badan dalalka Ereteeriya, Itoobiya, Soomaaliya iyo dalal kale oo Afrikaan ah.

37ADA00A00000578-0-image-a-8_147247334695637ADA0D700000578-0-image-a-27_147247342816937ADA0E400000578-0-image-a-37_147247345122337ADA4AB00000578-0-image-a-36_147247343925337ADACF000000578-0-image-a-10_147247336152037ADE67800000578-0-image-a-1_147247330015237ADF32000000578-0-image-a-14_147247338698537AEB34F00000578-0-image-a-16_147247338892137AEBCAF00000578-0-image-a-21_147247341048337AEBE3500000578-0-image-a-11_147247338131137AECB7300000578-0-image-a-31_147247343508337AECCBE00000578-0-image-a-33_147247343687237AECF3600000578-0-image-a-30_147247343176537AED63800000578-0-image-a-4_1472473322995