Daawo Sawirro Qaraxii Sababay Dhimasho iyo Dhaawac oo ka Dhacay Muqdisho

Muqdisho (SONNA):- 15 Ruux ayaa ku geeriyootay in ka badan 20 Ruux oo kalena way ku dhaawacmeen qarax xooggan oo barqanimadii maanta lagu weeraray Hotel SYL ee Magaalada Muqdisho.

Dadka dhintay ayaa la sheegay in ay isugu jiraan shacab iyo askar ka tirsan Ciidamada Dowladda, waxaana bur-bur wayn soo gaaray Hotel SYL iyo dhismooyinka ka ag dhawaa goobta uu qaeraxu ka dhacay.

Taliyaha Qeybta Guud Ee Booliska Gobalka Banaadir Bishaar Abshir Geeddi oo u waramay SONNA ayaa Sheegay in ay Ka Hortageen Ciidamada Boolisku Ujeedkii uu lahaa Gaariga Qarxay.

Col Bishaar ayaa yiri, “Gaariga oo noociisu ahaa Dhayna ayaa Wadada Maka- al Mukarama uga Soo Dhacay Taalada Sayidka dhinaca jidka ka yimaada Suuqa Bakaaraha, Halkaasna Ciidanka Booliska Gobalka Banaadir ay ku Celiyeen balse uu isku dayay in uu Xoog ku jiiro halkaasna Ciidanku rasaas uga Soo Billaabeen, markii uu soo dhaafayna ay gurmad kale ka heleen Ciidanka Ilaalada Baarlamaanka oo iyaguna si la mid ah u xabadeeyay Gaariga, Isagoo Taayiradu Banjarsanyihiin Xooggna ku socday ku yimid Waddada u dhexeysa SYL iyo Madaxtooyada Soomaaliya”

Col Bishaar Wuxuu sheegay in uu halkaasi uu Qasaare ka dhacay, wuxuuna xusay in ku dhow 15 Ruux ay ku geeriyootay, tiro ku dhow 20 kalena ay ku dhaawacmeen, islmarkaana ay khasaare bur-bur dhismooyin ah uu soo gaaray Hotelka SYL iyo dhismooyinkii ku dhowaa goobta uu shilku ka dhacay.

01
02
03
04
06
07
08
18
15