Faallo:Damac Dawlad Huwan:Badhasaabkii Hore ee Gobolka Salal Mohamed Muuse Bucul(Buuni)

 

Saylac(XeerNews)
Labadaas waraaqood ee kala ah tan la la tix raacayo iyo tan cusubi labadaba ayaa waxa ka buuxa damac aan qaangaadhin iyo dulmi

Xiisada ay xukuumada Kulmiye ka wado degmada Lughaya waa mid xadkii dhaaftay oo meel ka dhac ku ah dalkii Somaliland ee xeerka iyo kala dambaynta lahaa, muranka xuduudaha ee degmada Lughaya la galiyay maantuna ma aha mid qiil loo helayo balse waa qar-iska-tuurnimo ay wadaan qaar kamid ah masuuliyiinta xilal kooda ku fashilmay ee uu ka mid yahay Wasiiru dawlaha Amniga Somaliland oo soo saaray qaraar uu ku amrayo in la fuliyo qaraar uu ka tagay wasiir Waran cadde (sida uu sheegay) inkasta oo Qaraarka Waran cadde ilaa imika wax arkay amma ahkriyay aanan lahayn, waxana uu moog yahay Wasiiru dawlaha Amnigu in qaraarkan uu soo saaray ee uu Warancade

ku riixayo laftirkiisu uu yahay mid uu saxeexii ka maqan yahay isla markaana u eg mid isna tahriib ah oo leh astaamihii Damac Dawlad Huwan

Labadaas waraaqood ee kala ah tan la la tix raacayo iyo tan cusubi labadaba ayaa waxa ka buuxa damac aan qaangaadhin iyo dulmi garab haysta oo sheegaya in dadka lixda goobod ee doorashooyinka ka xidhnaa 20ka sano ee Lughaya Awdalna ka tirsanaa imika loo furo xuquuqdoodii marka muddadii diwaangalinta laga qabanayay gobolka Awdal iyo gobolka Sanaag oo lala diiwaangalinayayba ay dhamaatay, waxana ay taasi daliil u tahay gardarada uu dhabarku muuqdo ee siyaasiyiinta damaca xun leh ee xukuumada ku jiraa ay wadaan, waxana ay markale astaan u yihiin Damac Dawlad Huwan oo beegsaday bulsho nadab ku nool, dhulkaas degmada Lughayana uu Eebe ku beeray waqti ka horaysay dhalashadii Somaliland iyo dowladnimadii Kulmiye

Ilayn waa Damac Dawlad Huwan e Muwaadiniinta degaanka Lughaya ee ay Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland leedahay waxa la doonayaa in xaqooda aasaasiga ah la siiyo oo la diiwaangaliyo, waxa ay cod dheer ku sheegeen in markii deegamdooda llixda ah ee bariga Lughaya ee kala ah Cabdi-geedi, Ceel-la-helay, Ceel-sheekh, Bildhaaley iyo Hulka loo diiday in loo furo waqtigii ay ku haboonayd ee gobolkooda Awdal la diiwaangalinaya in ay iska diiwaan galiyeen degaamda kale ee ugu dhawaa ee Degmada Lughaya, waxayna si cad u sheegeen in cid imika diiwaan galin loo furo ayna jirin, waxase dareenkaas shacabka meesha ka saaray oo dhibta iyo dhiilada la soo doontay waa Damaca Dawlada Huwan ee dhul doonka ah oo moogan in dhibta ka iman karta hadii kacdoonka xaqqa ah ee dadka degaanku ay noqon karto mid nabaradiisa mudo ama abidba la dawayn kari waayo.

Waxaa kale oo cad in arrintan ay wasaaradu ku dhawaaqayso ay xaaraan tahay oo ay meelnaba ku lahayn distuurka iyo xeerkii doorashooyinka Somaliland. Ilay doorashooyinkii ina dhaafay ee dalka soomay goobahan waa la xanibay, maantana waxa aan is qabanayn in la yidhaa tan madaxwaynaha oo kaliya ayaa laga codaynayaa, waxana ay tahay arin xaaraan ah oo Kulmiye uu ku doonayo inuu ka helo cod cidlo yaala oo uu ku shubto si uu u helo codad uu ku buuxsado kuwa ay kala tageen dadka xaq darada neceb ee ay dhulkooda soo faro galiyeen, waxana intan dheer oo meesha ku jirta lana og yahay in aanay ku dhicin in ay yidhaahaan waa laga codaynayaa goobahan doorashooyinka oo dhan ilayn Doorashooyinka waxaa maamula degmoyinka iyo Gobolka ay ka tirsanyihiine, goobahana mar hadii sida ay maanka gaaban ee ay leeyihiin ku hayaan ay dadka diiwaan galiyaan maanta waxaa la iswayddinaya sida doorashooyinka goobahaa loo maamuli doono iyo xeerka la hoos keeni doono. Waxase ay xaqiiqdu tahay in gundhigu yahay Damac Dawlad Huwan oo aan kala jeclayn xeer iyo nidaam in wax lagu dhaqo.

Waxa socda waa badheedh oo ujeedadu way caddahay. Waxa loo socdo waa dhul la goosto oo reer Hargeysa deggani ay doonayaan in ay meel kale kula hoydaan. Taasi waxay tahay quudhsi iyo yaraysi reera kale oo wiilka maanta ku badhaadhay dawlada Somaliland aanu ogayn wax ay gayaan iyo wax ay gudaanba, waana hurin fidmo iyo colaad cusub oo loo badheedhay, mar hadii la iska dhegatiray warbixintii ergooyinkii xaqiiqa raadiska ahaa ee kasoo labtay goobaha lixda ah iyaka oo ka warramay in dadka degaanadaa lagulasoo kulmay ay si cad u diideen arrintan qaldan ee sharci iyo anshaxanba ka qaawan,waase ficil aan ku haboonayn nabadgalyada iyo danaha bulshada iyo midnimadooda iyo wada noolaashooda, dambarkeedase waxa maali doona Damaca Dawlada Huwan ee garaacay guriga aanu ogayn waxa gudihiisa ku jira.

Yaabkalena waxa uu yahay in Wasiirrado iyo Masuuliyiin ay iska dabamareen hadalo in diiwaangalinta goobahani ay ku egtahay oo kaliya in laga codeeyo madaxtooyada oo ay khusayn mid kale, yayse u sheegayaan hadal carruureedka oo aan xeerka ku qotomin ee ay dulucdoodu tahay dad Hargaisa laga keenayo ay ka diiwaan galiyaan goobo aanay awoowayaashood dagi jirin, Xeerka aan doorasha kale u ogolaanayn dadkaa in ay ka codeeyaan goobahaase halkay ku hayaan? Waa Damac Dawlad Huwan, Waa been iyo khiyaamo qaawan waxa ay akhriyayaan waana colaad abaabul iyakaana cawaaqib xumada ka timaadda dusha u ridan doona.

Waxa aan u arkaa nacasnimo iyo isyeel yeel in wasiiro ay horboodaan beelo weerar ah oo damaaci ah oo doonaya wax aanay xaq u lahay iyaga oo xilka ay hayaan uu yahay mid umada u dhex ah, waase caado ay leeyihiin wasiiradan socod-ka-xun ee maanta xilalka loo dhiibay ee uu ka midka yahay . Wasiiru dawluha Amniga Somaliland oo ah nin collwadeen ah oo isagu arimahan oo dhan hormuud u ah isaga oo shaadhkii dawladeed ee loo xidhay uga faaiidaynaya qabiilkiisa, waxa uu bahdilka iyo sharaf dhaca ku sameeyayna waa dawladnimadii umada la rabay in ay u adeegto, waxana intan dheer in Wasiirka Cusub ee Daakhilaga ee Somalilandna uu yahay mooge hubsi la’aana uu iska buubay oo wuxuu ahkriyay warqaddi shalay ina Muuse Diriye qaybiyey iyada oo waliba saxiixii u ka illaaway marageeduse uu ahaa Damaca Dawlada Huwan

Wasiirka cusub ee Daakhiliga waxaan leenahay wax hubso, hubsiimona halbaa la siistaaye. Waase hadii aanad ogolayn in awoodaada si qaldan loo isticmaalo oo lagugu shaqaysto. Waxaan waliba u sheegaynnaa in ciidamada uu shacbiga xuquuqdooda ka hadlayaa uu ku amray inay dadkaas qasbaan oo laayaan ay xaqdaro iyo baadil tahay, waxaan u sheegaynna in haddi taasi dhacdo masuuliyaddiisa loo daba socon doono.

Wasiirradu waxay shaaciyeen in kala xadayn la samayn doono bale arintaasi waa nacasnimo kale iyo jaahilnimo iyo waliba munaafaqnimo iyo xil kas la’aan lagaga been sheegayo taariikhda maguuraanka ah ee qoran oo meel walba taala, waxase ay is waydiintu tahay Wasiiradaasi ma waxa ay la da’ yihiin Somaliland oo waa 25 jiro oo ma waxayna ogayn in kala xadayn cusub ay meelba u soo marin degaankaas oo uu yahay mid hore u kala xadaysnaa?Maxayse iskaga indho iyo dhegatirayaan calaamadoha maguuraan ah ee is daba yaala degaanadii xadku ahaan jiray ee ay ka mid ka yihiin: Wirirka kala jeex oo ah xad ay ku jiraan Calaamadihii Xadka u ahayd Berbera iyo Lughaya, Boodaale oo ah xad ay ku jiraan Calaamadihii kala qaybinayay Lugahay iyo Hargaysa, Illinta dhexe oo ilaa 60kii ahayd meel cashuureed oo ay Saylac lahayd , sidoo kale xadku waxa uu maraa degaanada Satawa—badhiguduud—Sac-la-mood, Hogg, Dhudhubta—dhagax madoobe—Cashuuyaha, Shilinleh, Dhanaan, Faagan iyo degaano kale oo la mi ah

Taariikhdu Waa Muddan, Waa Jire Markhaati ah, yaase bari taariikhda Damaca Dawlada Huwan ee doonaya wax aanu damac gaarsiin