Wadar iyo waaxid Keeba Qaldan?

Bismilaahi Raxmaanaraxiim, marka hore waxaan salamaya,ummadda somaliyeed
meelkasta ha joogane. Marka labaadna bal inaan aragtiyda ka hadlo arrinta hadda
moronku ka taagan yahay ee ah lixdan goobood ee bariga Lughaya,ay ka mid tahay
Cabdi Geedi,Ceel-la-helay,Ceel-sheekh iyo damasha.
Marka ugu horraysa ku moronka dhulkan,goormu soo ifbaxay,ayaase ka dambeeya? Wuxuu bilaamay markii gooni-isku-taaga lagu dhawaaqay wax yar uun
kadib,waxaan bilaabay kuwa hadda musharax u ah jagada madaxweynimo. waana
qorshe horray loo sameeyey oo lagu xisaabtamay in codad laga heli karo,haddii
la soo raaciyo gobolka Maroodi-jeex, haddii kale oo sida  hadda ay yihiin ahaadan
ayna u codayin doonin musharax u tartamaya madaxweynimo Su’aasha Halkas ka
soo baxaysa waa  ayaa sii saadaliyey in shacabka goobahas degani u codayin
doonin  musharax madaxweynaha.
Musharax xisbiga Kulmiye, waa  Muuse Biixiye,beesha  u ka dhashay  uma soo
sharixin inuu iyaga uun u noqdo madaxweyne,ee waxa soo sharaxay Xisbiga
Kulmiye,si u noqdo madaxweynaha dhamaan ummadda ku dhaqan Som/land,
sidas awgeed,waa inuuna  codadka ka raadin beeshiisa kaliya, ee waa inuu ka
raadiyo beelaha oo dhan.
Waxa sobobta u ah in la farageliyo xaduudihii soo yaalka aha,waa iskukalsoonan
la’aan,aanan lagu kalsoonayn beelaha qaar in codad laga helynin.Shacabka gooba-
has sidan bay u wada noolayeen waligood,
Beesha Ciise ee Cabduramaan Ceeleeye,iyo beesha  Maxad Case ee Samaroon
waa beelaha aan waligood ka guurin,hase yeeshee,Sacad Muuse,dufruufo dartood
ayay ku soo degan,kadibna,waa ay ka hayaaman..
Wabilaahi Tawfiiq
H.M.Warsame