Arrinta Lixda Goobood ee Bariga Lughaya waa in Guddi Xeerbeegtiga loo Saaro

 
Arrintan ee qofallaale qofkii maqlaba ka wareersan yahay,ee shacabka
lixdan goobood  ilaahay ku abuuray ee xaquuqdoodii ay lahayeen ee ahayd
inay wax doortan iyo iyaga qaar ka mid ah la doorto,la iska hortaagay waa
in arrinta loo saaro guddii xeerbeegti ah oo ka gungadha arrinta,cadaaadana
soo horjoojisa,shaqsikasta oo lug ku leh arrintan.In ka badan 12-sano ayay ka
xidhan yihiin inay  doorasho ka qabsoonto,xaquuqina kaga maqan tahay dadka
degan.
Markay diiwaangelintu ka bilaamantay sanadkan goboladda,waxaa loo diray shacabka ku dhaqan goobahas ergooyin,in ayna lixdas goobood diiwaangelin ka dhicaynin ee ay u hayamaan degaanada ku dhaw,si  ay  iskaga  diiwaangeliyan,
sidas laguma deynine ee,waxaa lagu weeraray degaanadii kale ee ay iska diiwaangelinayen,dad iyaga ka mid ah aya ku dhintay qaar  kale waa ay ku
dhawcmeen waxaana,waxaana hogaaminayay weeraradas  rag salaadiin iyo
odayo-dhaqmeedyo ahaa,oo kasoo jeeda beesha Sacad Muuse,sharcigana
lama marinin. Uljeedad kaliya ee laga leeyahay waa inuu nin ku soo boxo doora-
sho aanan xaq iyo xalaal midna ahayn. Waxaase laga yaaban yahay, dalka waxaa jooga.m/naha maamulka oo ah A.M Siilanyo,isaga oo arkaya tacadiyada
loo geeysanayo shacabka. ayuu isha uun ka eegaya,taarikhida ayana ka  qori
 doonta,leg
. Nin allaale ninkii doonaya inuu wax ka noqdo dalka,waa inuu,waa inu  isku
kalsoonaada oo si aan kala sooc lahayn uga dalbada shacabka inay u codeeyan. Hadiibase u ku soo boxo,siyaabahan u hadda doonayo,muxuu samayn doona hadiiba u ku soo boxo madaxweyne.Muxuu uga dhex ololeyn
waayay shacabka lixdan goobood.si ay u siiyaan codkooda marka doorsha la
.gaadho. Waa fikir qalooca  in mawaadiiniinta la iska hortaago wixii dastuurku
siiyay ee ahaa inay wax doortaan,iyagana la  doorto.Midda kale ee meesha ku
jirta,waxa ay tahay,waxa ay som/land muddo dheer raadinaysay inay  addunyadu citiraafto,iyada oo ku doodaysa inay buuxisay shuuridihii lagu citraafi
 lahaa oo dhan. hase yeeshee,mawaadiininta oo xaqooda la duusiyo waa mid
 dhaawc weyn gaadhsinaysa citiraaf  in la helo.
,Arrinta lixdan goobood,ee bariga d.Lughaya,waxaanan  qarsonayn  oo durba
banaanka timiday,si uu u xumaaday xidhiidhka iyo wadajirkii ka dhexeeyay
beelaha deriska ahaa,markii hadalo xanaf leh midiaha la isku mariyay
Qore:Xaaji X Mu Warsame