Beelaha galbeedka Waqooyi galbeed waxaan leehay Ha Noqonina sadexddi Dibi

Bismilaahi Raxmaanaraxiim,
salaanta islamka kadib,waxaan raba inaan
wax ka idhahdo arrinta beryahan dambe ka  hadalkeedu batay ee ah lixda
goobood ee bariga Lughaya ee diiwaangelin iyo doorashaba ka xidhnayd,
ee haddana la rabo si madaxweynaha oo kaliya looga soo doorto,diiwaan-
gelin laga sameeyo.
Waxaan u malaynayaa,inay addunyada ku cusubtahay,meel la yidhahdo,
madaxweyne kaliy aya laga dooranayaa,cid kale is kama diiwaangelin karto,
lagamana dooran karo, arrintas oo ah xaquuqdii shacabka goobahas ku
nool oo la duusiyayo.Waa arrin dastuuri ah in mawaadin kasta oo cimrigiisu
gaadhay 14 jir,xaq u leeyahay in la doorto iyo inuu wax doorto. sidas darteed,
shacabka goobahas degan waa inay xukumada dacwo ku oogaan,xaqoodana
raadsandan.
Waxaa maalin waliba dhegaysanna,salaadiin iyo odayo-dhaqmeed,hadalo laga
fiican yahay la isku mariyo warbaahinta,iyada oo si caddaan ah la isku dhaafsanayo
eriyo xanaf leh, ku waaso aan ku haboonayn meel  ay dawladi joogto.
Waxaa kale oo dhegahyaga ku soo dhacaya hadalo u muuqda, in beelaha
galbeedka som/land dega,iyaga la doonayo inay isku dhacan,taaso ka dhigan
seddexdii dibi ee marku ku dhici waayay,libaaxo,iyagii isku diray,kadibna
sidas ku cunay dhamaantood.
Salama calaykum wabrakatuhu.
Qore Xaaji X M Warsame