Ina Cabdi Iley reer Hargeysa ka adag Hargeysana Djibouti Xoodaamin iyo Xeeladayn Og

Koox Odayaal dhaqameed ree Hargaysa ah oo uu Hogaaminayo suldaanka Guud ee beelaha Isaaq ayaa magaalada Jigjiga u tagay colaada Ganacsadaha shirkada Jaadka 571-kala dhaxaysa kooxda Jigjiga.

Suldaanka iyo Odayaasha lasocda oo Jigjiga u tagay sidii loo furdaamin lahaa colaad kadhex taagan kooxda Jigjiga iyo Ganacsadaha Jaadka ee Ina Af-Diinle, ayaa kulan layeesho Horjoogaha maamulka oo ay kala hadleen eedaha kadhanka ah milkiilaha shirkada Jaadka 571.

Suldaanka ayaa Horjoogaha maamulka u sheegay inuu Ganacsadaha isagu masuul kayahay uu qaadayo masuuliyada wixii khalad ah ee Ganacsadaha ku cadaada, waxaana suldaanku kudooday in eedaha loo Jeediyay Ganacsade in Af-diinle intooda badan ay yihiin kuwo la mu’aamaradeeyay oo aan jirin.

Horjoogaha maamulka ayaa dhankiisa kudooday in Ina Af-diinle uu qaybta ugu badan kuleeyahay wixii kadhacay deegaanka Jaamac Dubad, maadaama Jaadka Kontarabaanka ah iyo Gaadhiga waday ba uu isagu lahaa markii dambana uu cadaystay dagaal kadhan ah ciidamada maamulka” sida uu sheegay madaxa maamulku.

Anagoo aan diidayn Ergada iyo wanaagii aad noola timaadeen hadana waa in dhibanayaashii sababta Ina Af-diinle kudhintay uu bixiyaa dhiigooda, waayo isaga ayaa lahaa abaabulka Ragii weeraray ciidanka dawlada ee laayay ee waxaas oo dhib ahi uu kadhashay” ayuu yidhi Cabdi iley oo suldaanka iyo Odayaasha lasocda shuruud kaga dhigay in Ganacsade Af-diinle lagu leeyahay magta dadkii dhintay.

Shirarka 2-da dhinac oo doodo aad u kulul ay hadheeyeen ayaa ugu dambayn is Afgarad laga gaadhay inta badan eedihii kooxda Jigjiga u jeedinayeen Ganacsadaha, oo ay kamid ahaayeen Hurinta iyo abaabulka colaado kadhan ah maamulka, Ganacsiga Koontarabaanka ah ee Horseeday mashaqadii Jaamac Dubad, fidinta dacaayado been abuur ah oo dadka laysaga Horkeenayo iyo Qodoba kale.

Walow ay waxyaaba badan Labada dhinac isla meel dhigeen hadana waxaa wali Taagan shuruuda ah in Ganacsade Af-diinle uu bixiyo ugu yaraan qayb kamida khasaarihii kadhashay mashaqadii Jaamac Dubad oo maamulka Kililku Aaminsan yahay inuu ahaa dagaal uu soo abaabulay Ganacsaduhu, waxaana lagu wadaa in shirarka dambe ee suldaanka iyo madaxa maamulku yeelanayaan lagu dhameeyo shuruudaasi.

Arrimaahaas oo dhan waxay dhacaayeen oo Hargeysa ka Hadli karayn mar in yar uun laga joogo Xasuuqi fusha xuma ee u Ina Iley ku kacay dad Shicib ah oo aan waxba galabsan ee Tuulada jaamac Dubad oo halki daba gal iyo Dambi baadhis lagu Samayn Ina Ilay reer Hargeysa qaan lagu yeeshay.

Geesta kale Hargeysa waxay duulaan iyo Weerar aan Geedna loogu soo gaban ku Haysa dad Shicib ah oo la mid kuwa reer Jaamac Dubad oo haddi reer Jaamac Dubad loo Diray Ciidanka loo yaqaan Liyuu Booliska ina Iley Hargeysa waxay bariga Lugahaya u dirtay ciidan la mid ah kuwa ina Iley oo loo yaqaan RRU oo dadka reer Lughaya la maagan tii lagu dhigey dadkii reer jaamac Dubad mid la mid ah ama Kaba xun.

Dadka reer Lughaya ee Masaakinta ah ee sidda loo dhaqmi aan ka wada dheeregsan nahay waxay la dhasheen oo ay la dhiig yihiin iyo dhaacan yihiin Madaxweynaha iyo gerenaalka ugu awooda wayn maanta qof kasta oo Soomaali sheegta oo ku nool aduunka