Koox uu soo Abaabulay Xisbiga Kulmiye oo weear ku Qaaday Xildhibaan Cali Aareeye oo Fadhiya Goob la isugu Yimaado

Hargeysa,(XeerNews24)

Shalay ayaa 5 xubnood oo abaabulan oo ka soo jeeda xisbiga Kulmiye ay weerar gacan ka hadal ah ay ku soo qaadeen Xildhibbaan Cali Sheekh Ibraahim Aareeye isaga oo fadhiya Hotel Guuleed, xubnahani oo ka koobanaa rag iyo dumar ayaa hadalo cadho leh oo qaawan iyo gacan boobsiin ula tagay xildhibaanka oo xiligaasi ay la fadhiyeen rag kale oo ay qaarna wada socdeen qaarna ay ku kulmeen uun Hotel Guuleed.

Weeararkani oo la sheegay in ay soo abaabuleen madaxda sar sare ee xisbiga Kulmiye ayaa daba socday hadal uu dhawaan xildhibaan Areeye ku ganay dawlada iyo xisbiga Kulmiye oo daba socday markii dhawaan ay xukumaddu ku dhawaaqday in ay diwaan galin ka qabanayso lixda goobood ee lagu muransnaa.

Arintani oo loo tirinaayo gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa xubnaha weerarka ku qaaday xildhibaanka ay yihiin kuwo loo tirinaayo Muuse Biixi iyo madaxda sar sare ee xisbigaasi Kulmiye

Waa markii u horaysay ee magaalada Hargeysa lagu arkay arin noocani ah oo ka hor imanysa dimuquraadiyada Somaliland, qaadatay taasi oo dadka weerarka soo qaaday ay wax walba ku hadli jireen xiligii Muuse Biixi uu quraaradaha Shaynida ah ku tuuri jiray meelo ka mid ah caasimada.

Dhanka kalena ma jiraan ilaa hada wax fal celin ah oo ka soo baxay xildhibaan Areeye oo ku saabsan kooxdani halista galisay naftiisa  ee doonaayay in ay gacanta ula tagaan, waxna xukumadda ku waajiba in la sugo amniga madaxda qaranka oo ay ka midyihiin xildhibaanadu

Xigasho :Qaraan