Tulud Geela oo La dhacad Tiro badan ku Laysa ee Ma dhulka la Dhaca Nina Dhagax Ku Tuurayn?

Bismilaahi Raxamaanaraxiim,

 

Salaanta islamka kabacdi,waxaa malinba

Malinta ka dambaysa ka hadalkood,waji cusub yeelanaya waa lixda goobood
ee bariga d.Lughaya. Waxa la qabtay shir ay iskugu yimadeen seddexda xisbi
qaran iyo Wasiirka Wasaarada arrimaha gudaha ee maamulka Som/land,shirkas
oo sida la sheegay saaxafadu debad-joog ka ahayd,waa lagu  heshiin waayay,
waxaana Wasiirku yidhi hadal loo  gaaban oo loo fasishay,diiwaangelintu waa ay
socon doonta,amnigana waa la sugi doona. Halkasna waxa iska cad inuu maamulku dan iyo muraadtoona kalahayn nabadgelyada,ee kaliya ku talagashay
inuu xoog wax ku socodsiiyo.
Horray ayay u caddaatay,inay ahayd ulajeedadii ugu weyneyd ee gooni-isku-taaga som/land ahayd in la hirgeliyo dhul-boob,iyo beelaha qaarkood in laga safeeyo dalka,degaanadoodana lala wareego.Waxa ayna maanta soo
gaadhay in la yidhahdo,shacabka beelaha lixda goobood degani haba yarate
wax yaquuqa maleh, oo diiwaangelin lagama samayn karo,waana in sanaduuq
madhan oo laga soo buuyin doono waraaqaha cod-bixinta  ee  lagu  taageeraya
musharaxa madaxweynimo.
 Beelahan galbeedka ee hadda ku doodaya in xaduudaha loo daayo sidii 1960-kii isla marakasna sheegaya in ay lixdan goobood ka tirsan yihiin Awdaltan cusub ee u Daahir Rayaale abuuray,waxa ay doodayan wada sax ma’ah,waayo,
xaduudihii hore in wax laga bedelo,waxaa bilaabay Rayaale oo raaciyay Lughaya Awdalta cusub. Magacan Awdal ee la siiyay degmada  Borama iyada
nafteed ayaa booli ah,waayo,magaca Awdal halku ka soo jeeda?  wuxuu kasoo
jeeda sadanad hore oo u xukumi jirtay Saylac,sadanadasi markay baabadayna
u magacii ku hadhay magaalad Saylac,iyadana loo yaqiin Awdal.1960-kii wixii
ka horeeyay,Saylac wax ay ahayd  degmo ama District,Boramana waxa ay degmo ama District,waxaana lagu xukumi jiray gobolka imaka loo yaqaan Marood-jeex Dawladdii Siad Barre, degmada Bakii ayaa laga dhigay magalada
madaxda Borama,saylacna waxa ay iska ahayd degmada Saylac,waxaana hoos
iman jiray degmada Lughaya iyo goobahan lixda ah ee hadda hadalkoodu joogo.
Hadaba,marba marka ka dambeeya,waxa  abuurma waxa loo yaqaan BOOR,oo
siday ahayeen wax ka bedela xaduudaha,si ay beeluhu iskugu dhacaan, waayo,
iyaga  wax ay ay arkan in isku dhaca beeluhu ku jirto dantooda siyaasadeed.
Gabagabadii,waxaan kusoo gunaanadaya,somalidu waxa ay ku mahmahda
UMULI WIXEEDA HA KU FADHID, waxaan uga jeeda,xaduudaha sidii ay ahayeen1960-kii ha loo daayo.
 Wabilaahi Tawfiiq
Haji.H.M.Warsame