Diiradda XeerNews24.com

Ninkii Mulac Haraaday Moodoow Tolkeen Wali waa Mas aasan!

-Dhaaxan dhafoorada qabsaday dhaygagnoon yabay,

-Dhaxaan siddi Aar dhawacan taws la dhacadiiday.

-Dhaxaan siddi goodir jabay tolan ka dhuubnaaday,

-Dhaaxaan siddi cawl dhutiyaa caynta dhalan-dhoolay,

-Dhaaxa qof dhaan-dhaan ahoo dhoohan la ii mooday,

-Dhaxaan dhan-dhamo iyo Hurdaba dhelman ladiwaayey,

-Dhaaxay wax dhunigga maribba ii dhadhami wayday,

-Dhaxaan dhambaal soo diroo la igu dheel-dheelay,

-Dhaxoow dhawaaqay ku dhacay dhegga daboolayee,

-Dhaaxuuw dhulkii aabahay nacab usoo dhuuntay,

 

-Maantana dhabiilay iga kacay dhabarka iyo uurka,

-Farxad aan dhamaan baan la dhacay dhoowr qad baan ahayee,

-Dhalin yahay raggan dhaawrayo dhiiran baan Yimidee,

-Mar Hadday dhashi Geerisaad Dhiiratay Toostay,

-Mar Hadday Dhaleecaddi Garteen lagu dhaliilaayey,

-Mar Hadday ku wada dhiidhiyeen kawani soo dhaartay,

-Mar Hadday dhuufayska u galeen furinti loo dheegay,

-Mar Hadday diffac adag dhisteen oon la dhaafaynin,

 

-Dhaqaaliyo Hadday Beerayaan dheemanti nololshaa,

-Dhulkiyo Hadday Nuurayaan xeebti dheeraydee,

– Dhakhtariyo Hadday dhagax dhigeen Daaro dheedheere,

-Dhidibada Hadday u aasaan agab dhalaalayay,

-Dhalaan iyo Hadday korinayaan dhacan agoontiyee,

-Dharfadkiyo Hadday Maydhayaan dhiiladdi Raagtay,

-Dheg dil iyooo af xuma uma Qalmaan Dhiiri galin Moyeeeeee.

 

Hadaad Fahansanaydeen ama la socoteen shaxdi iyo qoob ka ciyaarkii ka soo burqan jiray sannadihii la soo dhaafay magaalooyinka kala aha;Hargeysa iyo Boorama ee ku wajahnaa dhul xeebeedka min Bula-Xaar ilaa Lowcayadde waxay ahaayeen kuwa isku mid oo aan waxba la isku reeban hadday noqon lahayd been,cay,af xumo dhamaanteed, is weerar iyo weerar celin af iyo adinba lahayd iyo wax la mid ah waxaa ay Hargeysa iyo Boorama u durmaan tumaayeen waxay ahayd dhulka xeebta dheer leh ee aan soo sheegnay oo ay Hargeya iyo Boorama ka dhigteen siddi waagi la helay ama la furtay qaaradda North Amerika oo kale oo ay ula muuqatay dhul cusub oo ciddi maanta gacanta midig ku hantida ay bari yeelan doonta maamulkeega iyo masiirkeega waana sababta koobaad ee ugu wayn ee ay Hargeysa iyo Boorama iyagoo si wada jir ah u samaystay maamulkan af ku macaash ah ee Soomaaliland hadana ay habeen iyo maalintuu Ilaahay keenaba ugu nool yihiin wax aan nabad iyo colaad midna ahayn.

 

Hadaba akhristoow Hargeysa iyo Boorama midbaa hoos martay taas oo ah horta ma jiro dhul cusub oo maanta helay siddi qaarada North Amerika oo loolan iyo hirdan siyaasadeed loo gali karo ee waxaa jira xeebti saylac iyo Lughaya ee ahayd dhul Soomaaliyeed oo soo jiray boqolaal iyo boqolaal sanno ahna goobaha ugu faca weyn sooyaal taarrikheedka geeska Afrika waxaana jira dad soomaaliyeed oo Ilaahay ku beeray kana soo talin jirtay raad taarrikheedka intaa la xasuusto dadkaas oo ah beesha ciise Soomaaliduna guud ahaan dhulka way wada leedahay wayna sii kala leedahay hadaba beeshi ciise ee aduunka dhamaanti ku ogaa deggaanada xeebta maanta ma dhiman,ma dheeraan,mana dhoofin,taas Hargeysa iyo Boorama way ka dheregsan yihiin oo loo sheegi maayo meesha iyo goobta ay ku sugan yihiin in ay jawaab ka bixiyaana way ka xishoodeen la yoo-yootanka iyo la botorinta micna darada ah ee dad sheegta Suldaano iyo siyaasin intay meelaha gidaaro cidla ah Teleefoonka gacanta iskaga soo duuban ku hadaaqan hadalo u badan calaacal iyo baryootan waxaa ay ugu yeedhan shir jaraaid oo ay ku sheegtaan taarrikh xeebta dheer ee saylac.

 

Taas oo Hargeysa iyo Boorama ka dhigteen xeelad cusub oo dhul iyo taarrikh aan jirn lagu sheegto,arrinta beesha ciise waxay kaga jawaabtay ficil muuqda oo la taaban karo kana heer sareeya kii Hargeysa iyo Boorama ee hadalka iyo beenta uun ahaa waxayna hurumar xawli ku socda ka bilaabeen goobihi ay u arkeen in ay muhiim tahay kuwaas oo ah halka u ku yaal xuduud beeleedki laga dhaxlay gumeystihii Ingriiska ee 1960-kii oo beel walba deggaan u leedahay kuna qeexaan distuur ku sheegan cidba ku dhaqmayn ee ay Hargeysa iyo Boorama wada saxeexdeen

Horumarka iyo xudduud soo xidhka waxaa laga bilaabay sannadihii la soo dhaafay magaalooyinka iyo tuulooyinkan hoos ku xusan;

Xariirad,

Habaas,

Darbi-Xoore,

Karuure,

Geerisa,

Garba-dadar,

Osoli,

Damasha,

Cabdi-Geedi,

Ceel-sheekh,

Ceel-la-Heley,

Sabawanaag,

Hadayte,

Hulka.

Dhamaan Tuulooyinka iyo deggaanadaas iyo qaar kalo badan waxay ku yaalana xuduudki beeleedki 1960-kii waana dhulka hororka lagu soo yahay ee Hargeysa iyo Boorama duulaanka qaawan ku soo yihiin laakiin nasiib wanaag damaca iyo waalida jar iska xoorka ah waxaa u quus gooyay dhalin yaro aad iyo aad dhiiran oo reer Geerisa iyo Lughaya ah oo hadda ku soo biiray kuwi horay uga hawl gali jiray dhulkan cidladda la muudday.

 

Diiradda XeerNews24.com