Maamulka Hargeysa oo dib u Daad Gureeyey Ciidamadii ay soo Buuxdhaafisey Goobahan Dulman

 

 

Saylac(XeerNews24.com)-

Ciidamado milatari ah oo wata tikniko aad u tiro badan oo dhawaan xukuumada Kulmiye ee maamulka Somaliland dhawaan soo dhoobay lixda goobood ee ka tirsan degmada Lughaya ee Gobolka Awdal ayaa wararka ka imanaya deeganadaasi waxa ay sheegayaan in xukuumadu ay dib uga rarayso ciidamadii ay halkaasi maalmihii ugu danbeeyay ku daabulaysay.

Ciidamadani oo tiradooda lagu qiyaasay dhawr guuto oo milatari ah isla mar ahaantaana deegnadaasi loo geeyay in xukuumada Kulmiye iyadoo awood milatari adeegsanaysa in diiwaan galintu deegnadaasi bariga lughaya ka hirgasho ayaa u muuqata inay wax badani iska badaleen qorshihii xukuumada maadaama dib loo rarayo ciidamadii goobahaasi la geeyay,.

Arintani ayaa imanaysa kadib markii madax dhaqameedka beelasha  ciise ay si cad u bayaamiyeen in ay dagaal iyo dhimasho ka xigaan  gadood Xoogleena ka muujiyeen in hadii lixda goobood ee ka tirsan degmada Lughaya wax diiwaan galina xukuumadu gayso.