Beeni Raad ma leh
Bismilaahi Raxmaanaraxiim,
Salaan ka bacdi, muddooyinkan u dambeeyay,
ee laga hadlayay lixdan degmo,ee bariga d.Lughaya,waxaa soo baxay dadka
somalidu u taqaan,WARXUME TASHIIL, oo iyaga oo aan aqoon badan u lahayn
warar badan oo been ah oo aan raad lahayn ka bixiya lixdan degmo.Sobobtu
waxaa weeye,wuxuu helay sikastaba ha ku helee, mobile,wuxuu la fadhaystay
meel cidla ah,wuxuu ku bilaaba hadalkiisa,WAXAAN AHAY NIN SIYAASI AH,
markasuu wuxuu rabo,shega waxaas u sheegayana,wax habayaraate u aqoon u
leeyhay ma’ah. Waxa igu sii yaab badan,wuxuu ahaa,kuwa aan u malaynayo
in ay ka soo hadlayeen gobolka Bakii,wuxuu yidhi,sidan; Waqtigii Ingriisku
joogay dalka,degmada Lughaya,iyo goobahan lixda ah,waxaa laga xumi jiray
Borama. Wuu sii dhaafay oo wuxuu yidhi,taarikhdasi waxa ay tallaa Qarmada
midoobay,fanaka cawdibila.Waxa ku qasbay inuu sidas u hadlo aqoontiisa.,
oo ku riixaysa caadifad xagjir ah.
Mid kele ayaa jirta,waxaana weeye,waxaan maqlaa,gobolka Awdal oo loola
jeedo gobolka Bakii. Hadaba waxaa isweydiinle, dawladda iyo dadka ku dhaqan
somaliland,ma waxa la odhan kara,waxa ay kullood dhasheen wixii ka
dambeeyay 1991-dii, markay somaliland ku dhawaaqday gooni-isku taagii,mise
wixii ka horreeyay 1991-dii waa la tirtiray oo waxba kama jiran. Sidee loo
ogolaan kara magacyo uljeedu qabyaaladasan lagu bixiyay oo benbeen ah
loo aqbali kara,oo ay ka mid tahay gobolka Bakii aya Awdal ah.gobolkii
magacas lahaana Selel Baan u bixinay.
Ta kale,waxaan ku diirsaday,go’aanka u ku gaadhay,mudane madaxwenaha
SL. A.M. Siilanyo,inuu dib uga soo celiyo,ciidamadii Militeri ahaa ee la geeyay
goobaha lixda ah ee bariga d.Lughaya,waanan ku bogaadinayaa mad/naha,
waayo somaliland maanta u baahna qalalaase iyo dagaalo.
Qore:H.M.Warsame