Mas iyo Ninkii Heshiiyey balse Heshiiskoogi socon waayey

Bismilaahi Raxmaanaraxiim,

Horta marka hore,waxaan salaan u diraya mulkiilayaasha  iyo websedyada kala ah,xeernews24.com iyo Xariiradnews.com ,waxaanan ku habbalyaynaya, sida mugale,ee uga

   qaybqaadanayaan, warqaadhsiinta ummadda somaliyeed,gaar ahaan,
kuwa xeebaha galbeedka somaliland,waxa ayna mudan yihiin Amaan.
Waxaan intas u dhaafaya,sheeko somalidu,ku sheegayso,oo odhanaysa
Mas dad dil ah oo khatar ahaa,ayaa wuxuu ku jiray meel,reer baa meel
agtiisa ah soo degay, odaygii reerka wiil yar oo u dhalay,ayaa  damcay inuu
ku ciyaaro meesha masku ku jiray,ka bacdi,odaygii ayaa maskii ku yidhi
waar wiilka ha iga cunin. Maskii wuxu ku jawaabay,waayahay ee adiguna
inabadgeli. Maalin ka bacdi,ayaa odaygii,wuxuu arkay maskiiyo hurda oo
barkina ka dhigtay geedka jiridiisa, odaygii,wuxuu talo ku gaadhay,inuu
maska dilo,wuxuna soo qaatay,Gudumo weyn,wuxun la dul istaagay maskii
inuu qoorta ka gooyo,hase yeeshee,maska oo ku jiray feejinaan,ayaa ka
boday,isaga oo ayna waxba gaadhin
Inaan wiilka yari dayn maaye,meeshi u ku ciyaari jiray ayu soo aaday,maskii
ayna cunay,halkii ayuu wiilkii ku dhintay.Halkas markay arrintu marayso
ayuu odaygii maskii u tegay,wuxuna ku yidhi war aan heshiino. Maskii
wuxuu ku jawaabay,inta adigu aad arkaysid Qabrigii wiilkaga,aniguna aan
arkayo Guduntii meeshii ay ku dhacday,ma heshiin karayne iska tag.
      Hadda waxaa,sidas u eg, shirarka,ka dhacaya, degaanka Lughaya iyo
agagaarkeeda,ee dhex maraya,bessha ciise iyo  jufooyinka ka tirsan
beelaha la dega,ee maxadcase,ee sheegaya inay hadda meel qudha ah
uga soo wada jeedaan,lixdan goobood,ee beesha Isaaq gaar ahaan Sacad
Muuse damcay, waxa ay ku  heshiiyeen ee aan ahayn,wax walba  in loo
daayo sidii 1960kii.xaduuduhu ahaayeen,ee ay wax kama jiraan yihiin wixii
xaduudu lagu sheegay ee waqtigas ka dambeeyay,lixdan gooboodna wax
ay ka tirsan gobolkan Saylac,wax kale oo sidas ka gedisan oo la aqbali karana
ma jirto.Hadda waxaan maqlayna,dad ku dooday lixdan goobood waxaa isku
haysta seddexda gobol ee Maroodi-jeex,Awdal,iyo Saaxil.fannaka cawdibila
xagee kasoo galeen seddexdan gobol lixdan goobood,ee intas oo qarni laga
xukumi jiray District Saylac. Hadda qofkastaba ha hadlee,lixdan goobood,
ee ka tirsan gobolka Saylac, ololaha damaaciga ku dhisan, ee siyaasad
guracan dambada ka riixayso,ee la doonayo xaquuqdii shacabka degan
       la weysiiyay.
      Wabilaahi tawfiiq.
    Qore;H.M.Warsame