Samoow Ciissoow Sadex Dal iyo Sagaal Calanloow

Dib u Milicso Qormo lagu Qaadaa-Dhigay 5 sanno ka Hor Xaaladda Dhabta ah  iyo waxaa 5 Sanno ka dib iska badlay!

 

Qof kastoo u dhashay beesha ciise madoobee wuu ka dheregsan yahay in ay beesha ciise kala degto geographi ahaan sadex(3) dal oo kala ah Djbouti,Somalia, iyo Ethiopia laakiin way yartay ama waxaan odhan karna ma jirto qof ciise oo ku baraarugsan in u maanta ciise leeyahay 9 calan oo intooda wax kuma yaal ah marka laga hadlo danta guud ee beesha.

Akhristoow uma baahna macnayn badan in ay beesha ay reer yurub u kala qaybsheen sadaxda dal ee maanta laga aqoonsan yahay geeska afrika ee kala ah;Djibouti, Somalia,iyo Ethiopia waxaan odhan karna ma jirto hadday jirtana way yartahay in la arko beel kale oo soomaaliyeed oo ay gumeystihii reer yurub sidaan oo kale ka yeelene hadaan ku dambaabno waxaa jirta in beesha ogaadeena ay sadex dal u kala qaybsan tahay laakiin ma jirto beel kala oo soomaaliyeed oo sida ciisaha oo kale ay reer Yurub ugu tunteen,20 sannu ka hor ama wixii ka horeeyba beeshu waxay ku huruday oo ay ku soo toosi jirtay  in ay Somalia iyo Ethiopia ama Djibouti uun kala degto waxayna ku caano maali jirtay  oo ay xeer iyo xeelad ka dhigatay in ay kala lahayn  dal,marti iyo ugaasba iyo hal hayskii caan baxay ee ahaa;CIISE WAA WADA CIISE NINA NIN CAARO MA DHEERAA.

laakiin maanta maxaa noo muuqda akhristoow?

Waxaa noo muuqda marka runta la sarsaro in maanta ciise ku dhex nool yahay ugu yaraan sagaal(9) calan ama maamul goboleed oo ka dhex dhashay sadexddii dal een soo sheegnay oo kala leh  ujeedooyin ama loo samaystay siyaasado midba midka kale waxba kala dhaxayn iskana soo wada hor jeeda colaad iyo cadaawadna dheeraatayna ka dhex jirto.

Tusaale waxaa noogu filan dalkii soomaaliyaa la odhan jiray waxaa lagu feentay hawadda intii ciise ka degi jirayna ragba ula baxay Somaliland , ciisana  wuxuu ku yahay tuke cambaar leh deganku ku lahaa ciise isagoo markhaati ah ayaa loosi kala qaybshay sadex gobol wax lagu sheegay oo hoosta ka  wada huursan surintana la isku wada sugi  sida awdal,salal,iyo saaxil sadexdda gobol midna ciise manfac iyo maamus kuma haysto,wax u ku yeesho ha joogtee lama maqli karo magaca ciise,  waxaa jiraa rag sita magaca ciise   sidaa la sheego  oo ku jira golayaasha siyaasadda ee maamulka Hargeysa beesha ciisana maba oga tiro iyo tayo waxay yihiin iyo magacdooda toona midna iyaguuna maaha rag is muujin kara oo laga daalacdo war baahinta maamulka Hargeysa sidaa raga beelaha kale, dhaliishu kuwa Hargeysa jooga uun kuma koobna ee waxaa kalo jira tira door ah oo xambaarsan magaca beesha ciise oo dawladda feedaraalka soomaaliya u matala saamigii beeshu ku lahayd  soomaali weyn ee ku salaysan 4,5 kuwaas oo tiradooda lagu sheegay ila 8 xildhibaan iyaguuna waa la mid raga Hargeysa jooga  oo ma jiro hal qof oo ciise ah oo xildhibaanadda magacdooda iyo manfacay qabtaan ama hayaan  ku sheegi kara am aka war hayaa  sido kale lama hayo xildhibaan ciise oo jooga Muqdisho oo u hadla danta dadka ciise ee reer salal ama awdal waan wada ognahay sidii u uu difaacay qadyadda Somaliland wasiirka gaashaandhiga ee Somalia Xussein Carab ciise isagoo xamar jooga wasiir feedaraal ahna sheegta hadana Somaliland iyo Hargeysa u ah safiir dahsoon.

Ma dhici karta in nin ciisa ah oo jooga Hargeysa ama Xamar in u ka hadlo danta beesha sida Xusein Carab oo cadaalada darada gaamuurtay ee beesha ciise ka haysato maamuladda sheegta magacdda ummadda soomaaliyeed noo iftimiya?

Jawaabto waa maya.

 

Geesta kale waxaan dhaliisha sinabaa uga Fagan doonin odey dhaqmeedka  loo yaqaan gendaha   ee beesha ciise ee xaruntoodu tahay magaalada Diredhaba oo xilweyn ka saaranyahay in ay ugu yaran u dharaarumeeyaan  siday beesha ugu noqon lahaayeen afhayeen guud oo min Bula-xaar ilaa Gadhmalu u matali karaa  siddi ay beeshu ugu baraarugi lahayd saxada siyaasadda maanta ka jirta geeska afrika oo ay ku eegaan uun in ay isku arkan dad reer sitti ah oo ciisaha kale ee Djibouti iyo Somalia wax shuqul ah ku lahayn arrinttasi waa qalad weyn oo beesha ka haysta hogaanka siyaasada  sababto ah reerku ma leh suldaan iyo ugaas kale oo sida beelaha kale magacooga uga hadla Hargeysa iyo Boorama midna markay arkan odey dhaqmeed iyo suldaan ku hadlayaa magaca beeshooda cida qudha ee sharciyaan u jawaabi karta  waa in ay noqdaan Gendaha beesha ciise ee Diredhaba ku sugan.

 

Ma iloobi karno in ay Djiboutina tahay maanta  goobta laga gacan togaaleeyo  gundhika siyaasadda beesha ciise lagana  shauffeeriyo !!!!! halka  ciise ugu liitana waxay u jirta wax ka yar 20km cuduud siyaasadeed ,dhaqaale iyo mid ciidan intaba midna  kuma yara laakiin nasiib daro waataan horay ciise iyo siyaasada Djibouti ku tilmaanay SAC GEESKIISU WAREEMAY.

Isku soo wada duubo maanta ciise wuxuu ku hoos nol yahay sagaal maamul oo sagaal calan kala leh iyo qaar kalo la naawili Karo in ay mar uun soo ifbixi doona wax laga qaban karan way yar tahay laakiin waxaa muhiim ah in lagu baraarugsanaado waaqica jira kolba sida ugu haboona loola jaanqaado ,hoosna igala akhristaa magacda calanada ciise ee tira dhaafay.

 

 

-1 calanka Somalia,

-2calanka Djibouti,

-3 calanka Ethiopia,

-4 calanka Somaliland,

-5 calanka kililka5aad,

-6 calanka oromadda Ethiopia (ciise ayaa degan dhul ay ka mid yihiin Meyso,Matahara,bardooda,iyo wixii la mid ah)

-8 calanka is maamulka feeddaraalka magaaladda Diredhaba,

-9 calanka is maamulka feedaraalka magaalada taarrikhiga ah ee Harar(ciise ayaa ku nol oo loo yaqaan Gande ciise duleedka iyo jilba laabta magaalada Harar kuna jira maamulka magaalada)

Mustaqbalka dhoow:

-10 calanka kililka Canfarta,

-11 iyo calanka maamul goboleedkii lagu dhawaaqay ee Lughaya saylac state of Somalia.

 

Nabad iyo caano